Thursday, August 7, 2025

Midowga Afrika oo beeniyay inay dib uga gurteen Bariire


Muqdisho (Dawan )
– Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ay khasaaro kala kulmeen hawlgal ciidan oo ka socda Bariire, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed rasmi ah oo soo baxay 3-da Agoosto, AUSSOM ayey kaga jawaabeen sheegashooyinka Al-Shabaab ee ku saabsan in gaadiid dagaal oo ay leedahay AUSSOM la burburiyay, isla markaana ciidamadu ay dib uga gurteen goobta dagaalka. AUSSOM waxay sheegtay in wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah.

Hawlgalka AUSSOM ayaa xaqiijiyay in 1-da Agoosto, ay si wadajir ah ula hawlgaleen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) si loo qabsado Bariire oo muddo dheer ay haysteen Al-Shabaab.
“Hawlgalka wadajirka ah wuxuu sababay khasaaro culus oo gaaray kooxda argagixisada, iyadoo in ka badan 50 dagaalyahan la dilay, kuwa kalena dhaawacyo halis ah soo gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyo madaxa AUSSOM ayaa sheegay in hawlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu beegsano kooxda Alshabaab ee lagag saarayo dhulka ay ku suganyihiin.


Ciidamada AUSSOM iyo SNAF waxay ka go’an in ay la wareegaan magaalada Bariire iyo dhulalka kale ee ay wali maamulaan Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed loogu xaqiijiyo nabad iyo xasilooni waarta,” ayuu yiri Danjire Diene.

War-saxaafadeedka AUSSOM kama uusan hadlin khasaaraha ka soo gaaray ciidamada Midowga Afrika ama kuwa dowladda Soomaaliya. Lama helin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada dhimashada ama dhaawaca la sheegay.

Hawlgalka AUSSOM, oo beddelay ATMIS sanadkan, wuxuu xoogga saaraya howlgallo ay hoggaaminayaan ciidamada Soomaaliya oo lagu beegsanayo deegaannada ay Al-Shabaab weli gacanta ku hayaan. Bariire ayaa ka mid ah goobaha muhiimka ah ee kooxdaasi ay si istiraatiiji ah u isticmaasho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here