Hargeysa – Xisbiga KULMIYE ayaa eedeyn culus u jeediyay xisbiga WADDANI ee talada haya, isagoo ku dhaleeceeyay difaac la’aanta cilaaqaadka Somaliland la leedahay Taiwan, maareyn liidata ee arrinta maxaabiista dagaalka Laascaanood, iyo xadgudubyo lagu hayo xoriyadda saxaafadda.
Shir ballaaran oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe ee Hargeysa, ayuu KULMIYE uga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland. Shirkan oo ay ka qeybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga, ayaa lagu falanqeeyey arrimo badan.
KULMIYE wuxuu si adag u cambaareeyay sida uu xisbiga WADDANI ee talada haya uga gaabiyay difaaca cilaaqaadka Somaliland la leedahay Taiwan. Xisbiga ayaa sheegay in xiriirkaas uu ahaa mid salka ku haya siyaasaddii xukuumaddii KULMIYE, isagoo ku tilmaamay “guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah.”
Wuxuu xisbiga si gaar ah u dhaleeceeyay in aan jawaab laga bixin weerarrada siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday safaaradda Taiwan ee Hargeysa, isagoo ugu baaqay xisbiga WADDANI ee talada haya inuu ilaaliyo maslaxadda Somaliland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
“Waxaa looga fadhiyaa xisbiga WADDANI ee talada haya inuu ilaaliyo danaha iyo masaalixda dowladaha aan saaxiibka nahay, intaan la gaarin in laga shaqeeyo ictiraafka loo diray,” ayaa lagu yiri shir jaraa’idka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu sidoo kale si kulul u dhaliilay sida uu xisbiga WADDANI ee talada haya u maareeyay arrinta maxaabiista laga qabtay dagaalkii Laascaanood. Wuxuu sheegay in la dhaawacay karaamada maxaabiista markii si sir ah dib looga celiyay Hargeysa, laguna huwiyay calanka Soomaaliya markii Muqdisho la geeyay.
Wuxuu intaas ku daray in maxaabiista la is-weydaarsaday aysan isu dhigmin, isagoo sheegay in Somaliland ay sii daysay maxaabiistii ugu mudnayd, halka kuwii dhigma lahaa aan la garanayn halka ay ku dambeeyeen. KULMIYE wuxuu xisbiga WADDANI ee talada haya ugu baaqay inuu caddeeyo qorshahooda ku aaddan sii deynta maxaabiista weli xiran.
“Xisbiga WADDANI ee talada haya waxaa looga fadhiyaa inuu caddeeyo qorshaha uga meel yaalla sii deynta maxaabiista xiran,” ayuu intaas ku daray shir jaraa’idkii ay qabteen.
Xisbiga ayaa sidoo kale ka digay “caburinta iyo cago-jugleynta” uu xisbiga WADDANI ee talada haya ku hayo warbaahinta iyo goobaha dadweynuhu ku cabiraan ra’yigooda. Wuxuu sheegay in dastuurka Somaliland uu damaanad qaaday xoriyadda hadalka, sidaas darteedna aan loo dulqaadan karin in saxaafaddu la kulanto xarig iyo hanjabaad.