Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Thailand iyo Cambodia ayaa sababay xaalad bini’aadantinimo oo ka taagan xuduudda muranku ka taagan yahay ee labada dal, iyadoo ugu yaraan 16 qof lagu dilay halka ay ku barakaceen kumanaan qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta labada dhinac.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Thailand ayaa maanta xaqiijisay in 131,456 qof laga daadgureeyay deegaannada halista ku jira ee waqooyiga bari. Dowladda Cambodia ayaa sidoo kale dib u dejisay qoysas ku nool agagaarka gobolka Preah Vihear ka dib maalmo duqeymo ah.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Thailand, 15 qof ayaa ku dhintay gudaha Thailand, oo uu ku jiro hal askari iyo dhaawaca 46 qof, oo ay ku jiraan 15 askari. Dhinaca Cambodia, waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof, halka shan kalena lagu dhaawacay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Thailand Khamiistii.
Inkastoo ay yara istaagtay colaadda marka loo eego maalmihii hore ee toddobaadka, ciidamada Thailand ayaa ka digay in iska horimaadyada hubeysan ay weli ka socdaan qaybo badan oo xuduudda ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga Cambodia ayaa ku eedeysay ciidamada Thailand in ay weerareen toddobo goobood iyagoo isticmaalaya hub culus iyo bam-gacmeedyo, kuwaas oo mamnuuc ka ah xeerarka caalamiga ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in dagaalku uu socday ilaa saaka (Jimce).
Xiisaddan cusub ayaa daba socota markii xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal hoos loo dhigay, kaddib markii dagaal dhacay 28-kii May uu sababay dhimashada askari Cambodian ah.
Isku day nabadeed, Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa Khamiistii khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Thailand Phumtham Wechayachai iyo Ra’iisul Wasaaraha Cambodia Hun Manet, isagoo ugu baaqay labada dhinac in ay si degdeg ah u qaataan xabad-joojin. “Labada dhinac waxay muujiyeen rabitaan ay ku dejinayaan xaaladda,” ayuu yiri Anwar.
Dowladda Cambodia waxay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay codsi degdeg ah oo faragelin ah, waxaana la filayaa in Golaha uu kulan yeesho Jimcaha saacadda New York markay tahay 3:00 galabnimo.
Colaaddu waxay xoogeeda ka socotaa aagga muranka dhanka xuduudda ee u dhexeeya gobolka Preah Vihear ee Cambodia iyo Ubon Ratchathani ee Thailand, waana meel ay labada dhinac isku haystaan muddo dheer.