Saturday, September 21, 2024

Leverkusen oo guul darro la’aan ku dhamaysatay Bundesliga

Leverkusen (Dawan)- Kooxda Bayer Leverkusen ee sannadkan ku guuleysatay horyaalka Jarmalka ayaa 2-1 uga badisay kooxda Augsburg kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka, taas oo ka dhigtay kooxdii ugu horreysay taariikhda ee ku dhamaysatay Bundesliga, iyada oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Kooxda uu hogggaamiyo Macallinka reer Spain ee Xabi Alonso ee sannadkan hiigsaneysaa in ay qaado saddex koob ayaa sidoo kale kor u qaadday rikoorka guuldaro la’aanta ee tartamada Yurub oo dhan, iyada oo aan ilaa iyo hadda laga badinin 51 kulan, waxeyna dhamaadka isbuucan la ciyaari doonaan finalka Europa League kooxda Atlanta ee dalka Talyaaniga.

Leverkusen waxa ay aruursatay horyaalka 90 dhibcood iyada oo guul gaartay 28 kulan halka ay barbaro gashay lix jeer mana la kulmin wax guul darro ah xilli ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in ay 17 dhibcood ka horeyso kooxda Stuttgart ee kaalinta labaad ka gashay horyaalka Jarmalka.

Kooxda Leverkusen ayaa sidoo kale wajihi doonta kooxda heerka labaad ee Kaiserslautern finalka koobka Jarmalka 25-ka May, waxaana suurta gal ah in ciyaartooyda Xabi Alonso ay ku guuleystaan saddex koob xilli ciyaareedka 2023-2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here