Wednesday, October 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

YEMEN

Sanca – Weerarada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeyso maraakiibta ganacsi ee lala xiriirinayo Israel, ayaa wali sii socda iyada oo dowladda Mareykankuna ay duqeymo la beegsanayso goobo ka mid ah xarumaha Xuutiyiinta.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran ay hal gantaal ku dhuftay markabaka M/T Wind oo maraayay Badda Cas kaas oo laga leeyahay Giriiga.

Mareykanku ma sheegin khasaaraha ka dhashay gantaalka lagu dhuftay markabka shidaal ee sitay calanka Panama.

Walaac xoogan ayaa laga muujinaya in arrintan ay keento hakad ku yimaada isu socodka dhanka badda cas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta shidaalka.

SACUUDIGA

RIyaad- Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ay kawada doodayaan nuqulka ugu dambeeya ee heshiisyada istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay isbedelada gobolka oo ay ka mid tahay xaaladda Marinka Gaza iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka loona fududayn lahaa gargaarka bini aadantinimo.

CIRAAQ

Bagdaad- Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ku guul daraystay inay doortaan guddoomiye , iyada oo musharrixiintii u taagna xilka guddoomiyaha ay heli waayen aqlabiyadda codadka xubnaha Baaralamaanka.

INDONESIA

Bali – Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa martigelin doona maal qabeenka Mareykanka ee Elon Musk.

Bali – Dowladda Indonesia ayaa martigelinaysa Madasha 10-aad ee Biyaha Adduunka.

MYANMAR

Rakhine – Ciidamada fallaagada ee qowmiyadda Arakan ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buthidaung ee gobolka Rakhine, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka kasoo jeeda qowmiyadda Rohingya.

CIYAARAHA

Manchester – Manchester City ayaa wajihi doonta kooxda West Ham United kulanka ugu dambeeya ee horyaalka premier League, halka Kooxda Arsenal ay marti galin doonto kooxda Everton.

Labadan koox ee ku tartamaya horyaalka Ingiriiska ayaa galabta midkood loo caleema saari doona ku guuleysiga horyaalka ugu xiisaha badan qaaradda Yurub kadib tartan adag oo qaatay 38 kulan.

Manchester City waxa ay leedahay 88 dhibcood, iyadoo ka sareysa Arsenal kaliya 2 dhibcood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here