Saturday, July 27, 2024

M/W Imaaraadka oo booqday sarkaal ku dhaawacmay weerarkii Muqdisho

Abu Dhabi (Dawan)- Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa maanta ku booqday Cisbitaalka lagu daweynayo Kabtan Maxamed Saliim Al Nucaymi oo ka mid ah saraakiishii Imaaraadka ee ku dhaawacantay weerarkii xerada ciidanka Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Imaaraadka oo ay la socdeen qaar ka mid ah Wasiiraddiisa iyo taliyaasha ciidamada ayaa warbixin ku saabsan heerka uu marayo daweynta sarkaalkan waxa uu ka dhageystay Dhaqaatiirta u xil saaran daweyntiisa, isaga oo u rajeeyay caafimaad qab deg-deg ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa hore shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay, inkasta oo mid ka mid ah u geeriyooday dhawaacii soo gaaray markii loo qaaday dalkiisa.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in weerarku uu dhacay xilli ay saraakiishaan gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here