Monday, April 7, 2025
Array

Ma heli doontid adeegyada dowladda haddii aadan haysan Kaarka NIRA

Ma heli doontid adeeg dowladeed haddii aadan heysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Waa amarka la siiyay xarumaha dowladda ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in shacabka Soomaaliyeed aysan heli karin adeegyada dowladda haddii aysan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Go’aankan ayaa ka dhigan in dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ay bixiyaan xarumaha dowladda – sida baasaboorka, dhalashada, sugnaanta, iyo adeegyo kale oo badan – aysan wax adeeg ah u qaban doonin qofki aadan wadan kaarka aqoonsiga qaran.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in arrintan ay muhiim u tahay hufnaanta xogta muwaadinka iyo kor u qaadista amniga. Wax uu sidoo kale  tilmaamay in ay kor u qaadaysa dhaqaalaha dalka

Go’aankan ayaa si toos ah u saameyn doona muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan weli qaadan kaarka aqoonsiga ee NIRA.

Go’aanka ayaa imaanaya xilli dowlad goboleedka Puntland uu diiday in ay hay’adda NIRA ay ka shaqeyso deegaanadiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here