Monday, March 17, 2025

Macawiisleyda Oo Loo Diyaarinayo Inay Noqdaan Ciidanka Qaranka

soohoyde

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali, ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda la qorsheynayo in lagu daro Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u noqdaan qeyb ka mid ah ciidamada rasmiga ah ee qaranka.

Wasiirka oo waraysi siiyay Telefishinka Dowladda ayaa xusay in marka laga gudbo dagaallada socda, ciidanka Macawiisleyda la xareyn doono si loogu daro Xoogga Dalka.

“Ciidanka Macawiisleyda ee hadda jooga waxaan rabnaa inaan ka dhigno ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xaq ayayna u leeyihiin,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah Macawiisleyda horey loo diiwaan-geliyay, qaar kalena ay tababar ku qaadanayaan dibadda, halka kuwo kale ay ka tirsan yihiin ciidamada Nabad Sugidda, Booliska iyo Xoogga Dalka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo ay soo korodhay eedo la xiriira falal amni darro oo lala xiriirinayo Macawiisleyda. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya  ayaa sheegay in ay korortay cabashada la xiriirta dilalka ay geysanayaan Macawiisleyda.

Macawiisleyda ayaa markii ugu horreysay lagu arkay Soomaaliya sanadkii 2014-kii, iyagoo dagaalkooda ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kahor inta aysan ku faafin gobollo kale oo dalka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah ula wareegto ciidankan, si ay qeyb uga noqdaan dhismaha iyo xoojinta ciidamada qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here