Friday, July 26, 2024

Itoobiya: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday Gambella

Addis Ababa (Dawan)- Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay 19 kalena waa lagu dhaawacay weerar ay koox hubaysan oo aan la garanaynin ka geysatay Jimcihii xerada qaxootiga Panyiduk ee Gambella ee dalka Itoobiya.

Peter Maker oo ah Gudoomiyaha Xerada Panyiduk oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The City Review ayaa sheegay in kooxd hubeysan oo aan haybteeda la garanayn ay weerar kusoo qaaday degaanka todobaad oo ah deegaan ay degan yihiin dad qaxooti ah laga soo billaabo sannadkii 2014-kii.

Wuxuu sheegay in weerarku dhacay abaare 9-kii subaxnimo maalintii Jimcaha, iyada oo la dilay dad gaaraya 10 qof, halka 19 kalena la dhaawacay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa ka noqotay goobta, iyaga oo aan la kulmin iska caabbin dhanka laamaha amaanka ah, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Ddadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee Panyiduk si loogu dabiibo, sida uu sheegay Peter Maker

Peter Maker ayaa ku eedeeyay Boliiska in ay ka gaabiyeen waajbaadki ka saarnaa ilaalinta dadweynaha, waxa uuna yiri, ” Askarta joogta magaalada Gambella kuma imaanayaan waqtigii loogu tala galay xitaa haddii lagu wargeliyo in ay dhibaato jirto”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here