Saturday, July 27, 2024

Madasha Antalya oo looga dooday caqabadaha dagaalka argagixisada

Antalya (Dawan)- Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya ayaa looga dooday Caqabadaha Cusub ee Dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, iyada oo uu doodda ka qeyb galay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar.

Wasiir Balcad ayaa tilmaamay in hannaanka lagula dagaalamayo Argagaxisada wixii ka dambeeyay 11-kii September 2001-dii in aysan munaasib ahayn, isagoo muujiyay muhiimadda ay Diplomaasiyadu u leedahay dagaalka ka dhanka ah Ururrada Argagixisada ah.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan billaawnay inaan si ka duwan sidii hore u wajahno argagixisada anaga oo adeegsaneynaa diblomaasiyad. Marka hore waxaan xiriir la sameynay Dowladaha saaxibada nala ah, waxaan isku keenay Dowladaha aan la leenahay xiriir dhaw, marka xigana waxaan la xiriirnay dalalka deriska nala ah”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Turkiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, England, iyo Mareykanka waxay na siiyaan taageero siyaasadeed iyo sidoo kale taageero dhanka amniga ah (la dagaalanka argagixisada)”.

Mar uu ka hadlaayay heshiiska dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxa uu Wasiir Balcad sheegay in heshiisku uu aad muhiim ugu yahay kordhinta awoodda ciidamada badda ee Soomalaiya.

“Waxaan horey uga helnay Turkiga taageero dhanka difaaca ah, sanado badan ayay naga caawiyeen dhanka tababarida ciidamada difaaca, iwm. Laakin kan (saxiixa heshiiska) wuxuu ahaa tillaabo xanbaarsan horumar aad uga wanaagsan,” ayuu yiri, Wasiir Balcad.

Waxa uu intaasi ku daray “Heshiiskan waxa uu si gaar ah u quseeya in la sugo amniga badda Soomaaliya”.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb gelaya shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya oo Jimcihii ka billaawday Gobolka Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Madasha waxa looga doodaya arrima fara badan oo hadda ka taagan caalamka sida isbeddelka cimilada, argagixisanimada, dhibaatada dhanka cuntada iyo diblomaasiyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here