Muqdisho (Dawan) – Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed kadib markii la isku khilaafay arrimo ku saabsan heshiiskii ay qeyb ka mid ah xubnaha Madasha la galeen Villa Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay isku dayday inay laaluushto garabka uu isagu kamid yahay ee madasha samatabixinta.“Xubnaha Madasha ee hadda jooga waa la gadan kari waayey,” ayuu yiri Cawad.
Dhankiisa, afhayeenka Madasha Samatabixinta, Daahir Maxamuud Geelle, oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dawan, ayaa si cad u sheegay in garabka heshiiska lagalay dowladda oo uu isagu kamid yahay aan wax laaluush ah lagu bixin. Geelle ayaa sheegay in kooxdiisu ku qanacsan tahay talo iyo aragti siyaasadeed oo lagu heshiiyay, balse aanay jirin wax dhaqaale ah oo lagu kala iibsaday. “Anaga lalama laaluushin, aragtidaan ayaa ku qanacsan nahay,” ayuu yiri Geelle.
25-ka Agoosto, garab ka mid ah xubnaha la baxay Madasha Samatabixinta ayaa heshiis la gaaray Dowladda Federaalka. Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa qodobbadan:
• In Baarlamaanka Federaalka uu doorto Madaxweynaha JFS, sidoo kale in Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyadu ay doortaan Hoggaamiyeyaasha iyo hoggaamiye ku-xigeennada dowlad-goboleedyada.
• In Madaxweynaha uu leeyahay awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, isagoo ansixin ka helaya Golaha Shacabka, kalsooni-dana kala noqon kara.
• In ururkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha Baarlamaanka Federaalka uu noqonayo xisbi qaran.
• In habka doorashada dalka lagu saleeyo Xeerka Doorashooyinka 2024, iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan