Friday, May 30, 2025
Array

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Kulan La Qaatay Saamileyda Siyaasadeed.

Jigjiga, 28 May 2025 – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa kulan la qaatay saamileyda siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo looga hadlay xaaladda guud ee Itoobiya iyo deegaanka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaasoo looga gol leeyahay in kor loo qaado wada shaqeynta iyo isku duubnida siyaasadeed ee deegaanka, isla markaana loo diyaariyo doorashooyin hufan oo ka wanaagsan kuwii hore.

Qodobada lagaga heshiiyay kulanka waxaa ka mid ah:

  1. Joogteynta kulamada wadatashiga ah ee u dhexeeya Xukuumadda Deegaanka iyo Saamileyda Siyaasadeed si loo xoojiyo isfahamka iyo wada shaqeynta.
  2. Ka wada shaqeynta sidii doorashada todobaad ee Itoobiya iyo deegaanka u qabsoomi lahayd si waafaqsan rabitaanka shacabka, loona hubiyo in ay noqoto mid cadaalad iyo hufnaan ku dhisan.
  3. Ka qaybgalka wada hadallada qaran si loo xalliyo caqabadaha siyaasadeed iyo in la dhiso mustaqbal wadajir ah oo nabad iyo xasillooni ku dhisan.
  4. Dhisidda guddi u xilsaaran diyaarinta axdi deegaameedka kaasoo ku salaysan danaha guud ee shacabka iyo horumarka deegaanka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan ururka ONLF, oo ay kamid tahay hogaamiyaha Qalbi Dhagax, taasoo muujinaysa dadaalka lagu doonayo in lagu mideeyo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda deegaanka.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid tallaabo muhiim ah u ah dhismaha is-afgarad siyaasadeed iyo nabad waarta oo loogu adeego shacabka Deegaanka Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here