Thursday, August 14, 2025

Jabuuti iyo IGAD oo qiimeynaya heshiiska nabadda Suudaanta Koonfureed

Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah ku-simaha Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa Arbacadii la kulmay Danjire George Owinow, Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Guddiga Dib-u-habeynta, Kormeerka iyo Qiimeynta ee IGAD (R-MEC) ee Suudaanta koonfureed, si loo qiimeeyo horumarka iyo caqabadaha ku saabsan geeddi-socodka nabadda dalkaas, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.

Wadahadalladan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee Suudaanta koonfureed, oo tan iyo 2020 lagu maamulayay xukuumad wadaag ah, taas oo ku dhisan Heshiiskii Nabadda ee Dib loo Cusboonaysiiyay ee la saxiixay 2018.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, Danjire Owinow ayaa soo bandhigay marxaladda uu marayo hirgelinta heshiiskaas, isagoo xusay in kasta oo lagu talagalay in lagu soo afjaro in ka badan lix sano oo dagaal sokeeye ah, haddana ay weli jiraan caqabado ku saabsan dib-u-habaynta amniga, maamulka, iyo dib-u-heshiisiinta qaran.

IGAD ayaa taariikh ahaan door muhiim ah ka ciyaartay Suudaanta koonfureed, laga bilaabo fududeynta aayo-ka-tashiga illaa dhexdhexaadinta heshiisyada nabadda.

Xarigga Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad Riek Machar horraantii sanadkan 2025 ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in uu dib u soo cusboonaado colaadda, iyadoo goobjoogayaashu ay ka digayaan in heshiiska loo qaadan karo mid burburay.

Danjire Owinow waxaa kulanka ku wehliyay La-taliyaha Sharci ee Sare Stephen Oola. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, iyo La-taliyaha Dibloomaasiyadeed ee Madaxweynaha, Fathia Djama Oudine, ayaa sidoo kale goob-joog ka ahaa kulanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here