Moqdisho, 23 Abriil 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay qorshayaasha wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka lagu xasilinayo siyaasadda dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta dowlad-wanaagga, isagoo tilmaamay in dowladdu ku adkaysatay horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda, gaar ahaan doorashada tooska ah.
Qaban-qaabada wadatashiga qaran ee loo diyaarinayo ayaa looga gol-leeyahay in la helo isfaham qaran, iyadoo la xoojinayo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadayso iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 30 maarso farriintiisa Ciidul-Fitriga kaga dhawaaqay baaq nabadeed iyo gogol wadatashi qaran uu dhigi doono, isagoo ugu yeeray hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale inay ka wada shaqeeyaan xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka ay dowladda kula jirto Al-shabaab iyoi Daacish.