Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed

Muqdisho (Dawan) – Madaxweynha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo kulankaasi ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa Mucaaradka ku matalyey Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble,iyo Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyeyaaal hore oo Baarlamaanka  ah iyo Masuuliyiin kale oo dowladda xilal ka soo qabtay.


Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiye mucaarad ah kana mid ah Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed kaas oo uu hadda ku sugan dalka Mareykanka.

Dhanka dowladda, kulanka waxaa ku matalayey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Xooosh.

Sida ay Madaxtooyadu sheegtay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in kulankaan uu qeyb ka yahay kulamadii Gogisha Wadatashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u fidiyey, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la helo isfaham iyo wadajir dhab ah oo ku saabsan horumarinta dalka.

Xubnaha mucaaradka ayaa hore u sheegay in kulankan ay la yeelanayan uu yahay codsi Madaxweynaha  ka yimid iyagan ay ajiibeen.

Kulankan uu ku soo beegmay iyadoo mucaaradku ay horay u u qaadaceen ka qeybgalka kulan Gogosha wada-tashiga Qaran ah oo Madaxtooyada ay qabatay usbuucii lasoo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here