Thursday, June 26, 2025

Xasan Sheekh”Wixii loo geestay Waqooyi, garawshiyo ayaan ka bixinaynaa”

Soohoyde

Muqdisho – Juun 26, 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah uga qeyb galay munaasabadda xuska todobaadka xornimada, isaga oo halkaas ka jeediyay khudbad uu diiradda ku saaray midnimada umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xornimada lagu farxayo aysan kaamil ahayn inta umadda Soomaaliyeed ay kala maqan tahay, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo suurta gelin kara dib u soo celinta midnimadii qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan aaminsahay in xornimadeenna aysan kaamil ahayn inta lakala maqanyahay. Waxaan markale cadaynayaa in albaabada wadahadalka dhankeenna ay furanyihiin, ayna furnaan doonaan ilaa hadafka midnimada aan ka gaarno,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyay in dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay diyaar u yihiin in ay garawshiyo ka bixiyaan wixii qalad ahaa ee horey ugu dhacay  dadka degan gobollada Waqooyi.

“Walaalayaal dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay: waxaan garawshiyo ka bixinayaa wixii dadkaas gobollada Waqooyi deggan ee Soomaaliyeed magaca Soomaaliyeed dib loogu dhibaateeyay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si dhab ah loo wajaho dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in uu u hurayo dadaal kasta oo horseedi kara midnimo dhab ah.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeysa xilli maanta guud ahaan dalka laga xusayo sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay markii gobollada Waqooyi ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, taariikhdu markey aheed 26-ka Juun 1960.

Dhanka kale, Somaliland  deegaanada ay ka arimiso waxaa xalay si weyn  looga dabaal dagay  maalinta 26-ka Juun, iyada oo munaasabadahaasi ay ka dhaceen magaalooyin dhowr ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here