Saturday, July 27, 2024

Biixi oo isbedel ku sameeyay wasaaradaha gaadiidka iyo kalluumeysiga

Hargeysa (Dawadan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isbedel ku sameeyay wasaaradaha Gaadiidka iyo Kalluumeysiga sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada ee Somailand.

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, ayaa laga qaaday xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, iyada oo loo magacaabay Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud oo hore u ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

Maxamuud Warsame Jaamac Cali ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha

Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax iyo Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle ayaa loo kala magacaabay ku xigeenada wasaaradaha Horumarinta Beeraha iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  ayaa golihiisa wasiirada ku sameeyay isbedel bishii November ee sannadkii tegay, taas oo ahayd isku shaandhayntii ugu ballaarneed ee uu sameeyo muddoo lix sano ah.

Magacaabista cusub ee Biixi ayaa kusoo beegmaysa hal maalin kadib markii uu  saxiixay wax ka bedelka xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here