Wednesday, August 20, 2025

Madaxweynaha Xasan oo Dhuusamareeb ka furay xarumo dowladeed oo cusub.

Dhuusamareeb (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo dowladeed oo cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dowlad-dhiska.

Madaxweynaha oo uu wehlinayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarig jaray xarumaha cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug, Dawladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb iyo xarunta casriga ah ee Shaybaarka Baaritaanka Tayada Dhismaha iyo Waddooyinka.

Xarunta Golaha Wakiillada Galmudug ayaa filayaa inuu qeyb muhiim ah ka qaato howlaha sharci-dejinta ee deegaanadda. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada ayaa Galmudug ku ammaanay horumarka ay ka sameynayaan adeegyada dowlad dhiska, isaga oo sheegay in ay tusaale u noqon karaan dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

“Maanta Galmudug waxa ay gaartay heer muhiim ah oo tusaale u noqon kara qaybaha kale ee dalka. Sharaf bay ii tahay inaan markhaati ka noqdo hirgelinta mashaariicdan oo wax badan ka tari doona maamulka iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xarunta casriga ah ee Shaybaarka Baaritaanka Tayada Dhismaha iyo Waddooyinka, oo lagu hubin doono heerka tayada mashaariicda ka socda Galmudug si loo xaqiijiyo waafaqsanaantooda heerarka la aqoonsan yahay ayaa iyana qeyb ka noqon doonta waxyaabaha taageeri doona horumarka dhismaha ee ka socda Galmudug.

Safarku waxa uu muujiyey taageerada dowladda federaalka ee ku aaddan dhismaha hay’adaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Galmudug.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here