Wednesday, August 20, 2025

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya oo Eedeyn ujeediyey Madaxweyne Xasan

Abukar Osman

Muqdisho (Dawan) – Saddex madaxweyne hore oo Soomaaliya ah ayaa markii ugu horreysay soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyagoo si adag u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud una soo jeediey inuu ka waantoobo  wax ay ku tilmaameen ku takri-falka hantida danta guud.

Waraaqda Madxweynayaasha oo ay soo dhigeen barahooda bulshada Madaxweynayaashii hore ee kala ah  Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  uuna kula saxiixnaa Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isna madaxweyne hore ahaa balse aan meels rasmi ah ku shaacin ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si bareer ah ugu xad-gudubtay dastuurka, iyadoo sharci darro ku wareejisay dhul loogu talagalay danta guud..

War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ugu baaqay inuu joojiyo waxa ay ku tilmaameen ku takri-fal hantida dadweynaha iyo awood sheegasho ka dhan ah dadka danyarta ah.

“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu joojiyo ku takri-falka Hantida Danta Guud iyo awood sheegashada dadka danyarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego,” ayaa lagu yiri qoraalka ay wadajir u soo saareen.

Madaxweynayaashii hore ayaa sheegay in arrintan ay sababtay barakicinta qoysas, ku xad-gudub xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana dhaawac ku noqotay dastuurka KMG ah ee dalka. Waxay ka digeen in sii socoshada falalka noocan ahi dhaawac ku yihiin kalsoonida shacabka, islamarkaana khatar ku noqon karaan xasilloonida qaranka.

Qoraalku waxa uu si cad u tilmaamay qodobo sharciyeed oo dhigaya in:

  • Muwaadiniintu xaq u leeyihiin deegaan ammaan ah,
  • In iibka dhulku ku xirnaado hay’adaha rasmiga ah ee dowladda,
  • In fursadaha dhulku noqdaan kuwo loo siman yahay,
  • In dakhliga ka soo xarooda lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.

Madaxweynayaashu waxay ku baaqeen in dadka barakacayaasha ah dib-u-dejin loo sameeyo, halka dhulkii la boobayna lagu celiyo gacanta dowladda iyadoo loo marayo hannaan sharci ah.

“Waa ayaan darro weyn in shuruucda dalka si cad loo hareer maro, lana duudsiyo xuquuqda muwaadiniinta. Hantida danta guud waa hanti ummadeed, waxaana waajib ah in loo maamulo si cadaalad iyo hufnaan leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay sidoo kale uga digeen ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin iibka dhulalka danta guud, kuna baaqeen in shacabka Soomaaliyeed ay si mideysan uga hortagaan boobka iyo fasaadka hantida qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here