Tuesday, March 11, 2025

Muxuu Cirro ka dhahay dagaal Buqdharkeyn?

Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xalay ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn, isaga oo tacsi u diray ciidamada Somaliland ee ku geeriyooday dagaalkaasi, kaas oo uu ku tilmaamay mid gardarro ah. Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.

Madaxweyne Cirro ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay “duullaan gardarro ah” oo lagu soo qaaday deegaanka nabdoon, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay difaacan doonto qarankeeda.

“Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u joogay. Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka Somaliland ee ah in nabadda la sii wado, balse ay adkayn doonaan difaaca qaranka.

“Dagaal meel naga soo qaaday nagama leexinayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa,” ayuu ku adkeeyay Cirro.

Dagaalka ka dhacay Buqdharkeyn, oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo midba midka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalkaas. Deegaankaasi ayaa marar hore dagaallo ka dhacay, waxaana weli taagan xiisado colaadeed.

Xukuumadda cusub ee Cirro ayaa horey u sheegtay in ay doorbidayso xal nabadeed oo lagaga baxo colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag. Iyadoo Madaxweyne Cirro uu dhawaan magacaabay guddi ka shaqayn doona dadaallada nabadda, inkastoo dagaalka cusub uu dib u hurin karo xiisadaha jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here