DJIBOUTI, 14 Abriil 2025 – Madaxweynaha Jibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay rasmi ahaan u furay shirweynaha 2aad ee Cimilada, Cilmi-baarista, iyo Adkeysiga ee Djibouti (2CR2), oo lagu qabtay Hoteelka Ayla.
Shirkan ayaa isu keensaday hoggaamiyeyaal siyaasadeed, cilmi-baarayaal caalami ah, saynisyahanno, iyo hogaamiyeyaal bulsho oo ka wada hadlaya caqabadaha culus ee isbeddelka cimilada.
Sida dowladda Jabuuti sheegtay Doodaha shirweynaha ayaa xoogga lagu saaray saameynta daran ee isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaaro iyo fatahaado soo noqnoqda, taasoo keenta dhibaatooyin dhaqaale, khilaafaad, guur-guurka dadka, iyo xanuunno caafimaad.
Madaxweynaha Guelleh ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee ka hortagga dhibaatooyinka cimilada. “Ma jiri doonto mustaqbal suurtagal ah oo aan lahayn xasilloonida deegaanka, sidoo kale ma jiri doonto barwaaqo wadajir ah haddii aan la helin caddaaladda cimilada,” ayuu madaxweynaha ku sheegay.
Waxa kale oo uu tilmaamay awoodda Afrika inay ka ciyaarto doorka ugu muhiimsan ee isbeddelka tamarta adduunka, isagoo codsaday iskaashi caddaalad ah oo ku saleysan kalsoonida, wadaagista aqoonta, iyo helitaanka maalgelinta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay doorka muhiimka ah ee Djibouti ee cilmi-baarista cimilada, gaar ahaan iyadoo la adeegsanayo Kormeerka Cilmibaarista ee Deegaanka iyo Cimilada ee Gobolka (ORREC), oo noqday aalad saynis oo muhiim ah oo lagu cabbiro saamaynta isbeddelka cimilada. Wuxuu sheegay in shaqada ORREC ay gacan ka geysato cilmi-baarista muhiimka ah ee ku saabsan caafimaadka iyo deegaanka, iyadoo si gaar ah u adeegsanaysa bulshooyinka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku nool miyiga.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Geelle ayaa ku celiyay ballanqaadka Jibouti ee ku wajahan iskaashiga IGAD, si loo isku xiro adkeysiga cimilada iyo qaab-dhismeedka ka hortagga khilaafaadka iyo maaraynta kheyraadka ee gobolka. Waxa uu ku baaqay in la sameeyo dadaal guud oo caalami ah si loo dhiso qaab-dhismeed cusub oo is-kaashi cimilada ah.