Birri, magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shir ay yeelanayaan Madasha Golaha Wadatashiga Qaran – shir lagu wado in si qoto dheer loogu falanqeeyo gogosha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay, taas oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka gaar ahaan dagaalka ka dhanka Kooxaha Soomaliya ka dagallama.
Shirkan ayaa caadiyan u dhexeeya madaxda dowlad-goboleedyada dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ka Qaybgalayaasha iyo Xiisadda Ka Taagan
Shirka waxaa la filayaa inay ka qeybgalaan madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo -taasoo markii ugu horreysay si rasmi ah uga qeyb galeysa shirka madasha wadatashiga Qaran tan iyo markii la aqoonsaday bishii hore.
Dowlad-goboleedka Puntland, oo horey loogu diray casuumaad rasmi ah, weli lama xaqiijin in ay ka qeybgalayso iyo in kale walow 2023 ay ugu dabeysay ka qeebgalkiisa. Halka Jubbaland aanba lagu casuumin shirka.
Shirkaan in uu yahay madashaha Wadatashiga waxaa u dheer in lagu lafa gurayo Gogosha wadtashiga madaxweyne Xasan ku dhawaaqay bishii March dhmaadkeeda taas xaladda siyaasadeed, midda dagaal ee dalka uu wajahayo.
Madaxweyne Xasan: Laba Jeer Doorasho Guuleystay, Hadafkiisuna Waa Qof iyo Cod
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee labo jeer xilka haya doorasho ku guuleysta, ayaa si xooggan u muujiyey go’aankiisa ku aaddan in dalka laga gudbiyo doorashooyinka dadban loona gudbo nidaam cod-bixineed oo dadweynuhu si toos ah uga qayb qaataan.
Tan iyo markii dib loo doortay 2022, wuxuu qaaday dhowr tallaabo oo sal u ah in dalka lagu wado doorasho toos ah, oo ay kamid yihiin:
- Wax-ka-beddelka afar cutub oo muhiim ah oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.
- Dhismaha Guddiga Diiwaangelinta Dadweynaha.
- Magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
- Bilaabista is-diiwaangelinta golaha deegaanka ee degmooyin ay kamid tahay Muqdisho.
Laakiin tallaabooyinkaas ayaa la kulmay dhaliil culus oo uga timid mucaaradka iyo madaxda maamullada qaar, kuwaasoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan in uu wado qorshe hal dhinac ah, isla markaana halis galinaya dowladnimada Soomaaliya.
Dib u Milicsiga Doorashooyinka Jamhuuriyadda Saddexaad
Soomaaliya waxay doorashooyin dadban martigelisay tan iyo Carta 2000. Lix jeer oo madaxweyne la doortay, marna dalka looma suurtagelin in dadku si toos ah u codeeyaan. Tani waxay salka ku haysay hab-qabiil lagu heshiiyo oo uu dalku ku dhisnaa muddo dheer.
Haatan, dadaalka cusub ee Madaxweyne Xasan ayaa ah mid u muuqda inuu jebin karo dhaqankaas, balse waxa uu waji ka waji la kulmayaa mucaarad siyaasadeed oo xooggan. Mucaaradka ayaa u arka qorshihiisa inuu yahay mid aan lagu heshiin, lagana tagay dariiqii lagu dhisi jiray wadatashiga siyaasadeed.
Maxaa laga Filan Karaa Shirka?
Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran ee birri ka furmaya Muqdisho waxaa laga sugayaa in uu dejiyo jihada doorashooyinka dalka. Waxaa laga filan karaa in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qaabka loo wajahayo doorashada 2026 iyo in la isku waafaqo sida loo qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah iyo in go’aan looga gaaro ama in lagu ekaado nidaamka qabiilka ee waqtiga dheer la adeegsaday.
Su’aasha taagan waxay tahay “Miyey suurtagal noqon doontaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo uu Madaxweynaha ku qanciyo mucaaradka, taasoo laga yaabo in kaliya lagu dabaqo doorashooyinka goleyaasha deegaanka—sida tan Puntland—halka doorashooyinka kale lagu saleeyo habkii xisaabta qabiilka ee muddo dheer saldhig u ahaa nidaamka siyaasadeed ee dalka?