Ciidamada Soomaaliyaoo kaashanaya Ciidamada Mareykanka, ayaa qaaday duqeyn si wadajir ah looga fuliyeey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, saacado kadib markii kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen aaggaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi oo xalay saqdii dhexe ay fuliyeen uu sababay dhimashada 12 dagaallame, oo ay ku jiraan hogaamiyaal sare oo ka tirsan kooxda.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), ayaa duqeynta la beegsaday goob ay dagaallamayaasha Al-Shabaab u adeegsanayeen inay gabaad ka dhigtaan.
“Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka.
Duqeyntaan degmada Aadan Yabaal ayaa imaaneysa iyadoo shalay ay Alshabaab la wareegtay degmada.
Dowladda ayaa sheegtay duqeyntaan in ay qeyb ka tahay dadaallada socda ee ay dowladda Soomaaliya ku xoojineyso ololaha milatari ee ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab, iyadoo la kaashaneysa dowladaha caalamiga ah sida Mareykanka, si loo xoojiyo nabadgelyada aagagga la soo furay oo aan loo oggolaanin in kooxaha dib ula wareegaan.
Ciidamada Mareykanka weli kama aysan hadlin duqeynta.