Wednesday, April 16, 2025

Trump oo Soomaaliya u ballan-qaaday Barwaaqo

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u ballanqaaday in Mareykanka uu si buuxda u taageeri doono shacabka Soomaaliyeed si ay uga adkaadaan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale muujiyay ka go’naanta Mareykanka ee ah in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkan ka sheegay bartiisa Truth Social, isagoo uga digay shacabka Soomaaliyeed isku dayga kooxaha Xuutiyiinta ee ah inay ku milmaan gudaha dalka Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay hadda bilaabeen.

“Waxaan taageeraynaa shacabka Soomaaliyeed, waana inaysan oggolaan in Xuutiyiintu isku dayaan inay ku milmaan dalka (taasoo ay hadda isku dayayaan!). Waa in la ciribtiro argagixisada, lana gaarsiiyo barwaaqo dalkooda,” ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in Houthis ay wajihi doonaan burbur, isagoo ballanqaaday in ciidamada Mareykanka — kuwaas oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu fiican abid ee adduunka soo mara” — ay cadaalad degdeg ah keeni doonaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Trump uu xusay guulihii milatari ee uu Mareykanku gaaray intii uu xilka hayay, gaar ahaan howlgaladii lagula dagaallamay kooxda Daacish, taas oo uu ku sheegay in saddex toddobaad gudahood lagu burburiyay.

Soomaaliya oo istiraatiijiyad ahaan muhiim u ah gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka gacanka Carabta, ayaa hadda waday hawlgallo xooggan oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo wali ku sugan deegaanno kala duwan oo dalka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here