Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo taageeray codsiga Soomaaliya ee hakinta bixitaanka  ATMIS

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay taageereyso codsiga Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsan in ‘hakin farsamo’ lagu sameeyo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS muddo 90 maalmood ah.

Sii hayaha xilka Safiirka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Shane Dixon ayaa u sheegay warbaahinta in Mareykanku taageerayo codsiga Soomaaliya, isaga oo yiri

“Mareykanku waxa uu taageeri doona codsiga  Dowladda Federaalka Soomaaliya. Had iyo jeer waxaan taageereynaa  Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa taageerada Soomaaliya xitaa codsigeeda ah in dib loo dhigo  bixitaanka ATMIS”

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa caddeysay iney ka jawaabi doonto baahiyaha iyo codsiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii wadi doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa ATMIS .

Shane Dixon ayaa yiri “Waxaan sii wadi doonnaa inaan si dhow ula shaqeyno ATMIS haddii ay joogaan Soomaaliya ama ka baxaan ba ”

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii ay Soomaaliya dirtay codsi rasmi ah oo ku saabsan in la hakiyo 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taas oo dib u dhigi doonta nidaamka 90-ka maalmood.
Dowladda Federaalka ayaa codsigaan soo jeedisay xilli ay sii kordhayaan weerarada Al-Shabaab ku qaadeyso saldhigyada iyo magaalooyinka dhawaan lagala wareegay oo ay ka mid yihiin weerarkii Xerada Coosweyne iyo Ruun-Nirgood oo lagu dilay askar badan.

Warqadda ay dowladdu dirtay waxaa ku caddeed in hakintan farsamo ay ka qeyb qaadan doonto mustaqbalka fog nabad waarta iyo xasiloonida Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ATMIS oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay hay’addii ku habooneyd ee arrintan gacanta ku haysay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota Axaddii lasoo dhaafay ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la isku tashado kaddib marka la gaaro sannadka soo socda oo Soomaaliya dhan laga saarayo ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Walaacyada kasoo baxaya arrintaan ayaa isa soo taraya, xilli uu billowday wajigii labaad ee bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyadoo ugu yaraan 3,000 oo askari lagu wado inay dalka ka baxaan dhammaadka bishaan September

Wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ayaa Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari, waxaana wajiga labaad uu yahay tallaabadii ugu dambeysay ee dhimista ciidamada, taas oo sahlaysa in gebi ahaanba laga saaro ciidamada ATMIS ee ku harsan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here