Muqdisho (Dawan ) – Madaxweyna Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii Juun 2025,xayiraado cusub oo lagu soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay galaan dalka Mareykanka, isaga oo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga qaranka iyo badbaadada shacabka Mareykanka. Sida lagu sheegay warqadda xayiraadda ee ka soo baxday Aqalka Cad, waxa uu Mareykanku u cuskaday go’aankan 10 sababood oo ah:
- Maamul aan Tayo lahayn – Waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku dhibban tahay in ay bixiso baasaboorr iyo dukumentiyo rayid oo ammaan ah, taasoo adkeyneysa in si wax ku ool ah loo baaro dadka doonaya inay galaan Mareykanka.
- Nidaamyo Baaritaan oo Aan Dhameystirnayn – waxaa lagu edeeyey in Soomaaliya aysan leheen nidaamyo ku filan oo lagu xaqiijiyo dadweynaha codsanaya fiisooyinka Mareykanka, taasoo keenta walaac amni.
- Xakameyn La’aanta Dhulka Dowladda – Waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xadidan tahay awooddeeda dhuleed, taasoo u oggolaanaysa kooxaha argagixisada inay si xor ah u shaqeeyaan, kuna adkaynaysa dadaallada amniga.
- Hoyga Argagixiso – Soomaaliya waxaa lagu tilmaamay meel ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, kuwaas oo ka faa’iideysta deegaanno ay ka howl-galaan, kuna qorsheeyaan weerarro.
- Halis Argagixiso oo Joogta ah – Mareykanku weli waxa uu u arkaa Soomaaliya in ay tahay isha falal argagixiso oo halis ku ah amniga qaranka ee Mareykanka.
- Xakamayn La’aanta Dhaqdhaqaaqa Argagixisada – waxa uu ku timaamay maamulka kala firdhisan kaas oo u saamaxayaa kooxaha argagixisada inay si fudud ugu kala gudbaan deegaannada, taasoo adkaynaysa xakameyntooda.
- Isha lagaga Biiro Kooxaha Xagjirka ah – Soomaaliya ayaa weli ah meel muhiim ah oo ay beegsadaan shakhsiyaadka doonaya inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ee caalamka halista ku ah, oo ay ku jiraan kuwa beegsanaya Mareykanka.
- Diidmada Soo Celinta Muwaadiniinta La Masaafurinayo – Soomaaliya waxay ka caga-jiidaysaa in ay aqbasho muwaadiniinteeda uu Mareykanku u arko halis amni, taasoo adkeynaysa masaafurinta dadkaas.
- Caqabado Maamul – Soomaaliya waxa ay la daalaa-dhaceysaa dhibaatooyin la xiriira maamul wanaagga, taasoo sababaysa xasillooni darro iyo kororka falalka xagjirka ah.
- Walaaca Amniga Caalamiga ah – Waxaa lagu tilmaamya meel nidaamkeedu amni daciif yahay, Mareykanku uu u aqoonsaday dalkaasi inuu khatar weyn ku yahay amniga caalamiga ah.
Xayiraadahaan ayaa saameyn weyn ku yeeshay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Mareykanka, waxana ay dhalisay dood xooggan oo ku saabsan saameynta