Muqdisho(Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaku eedeysay maamulka Puntland inay ku lug lahayd afduubka markabka SEA WORLD, oo sida ay sheegtay dowladda, waday alaab millateri oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidanka TÜRKSOM ee Muqdisho. Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in markabka uu sidday alaabo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaamtay falkaasi mid ka dhan ah dastuurka kumeelgaarka ee Soomaaliya.
Qoraal ay maanta soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabkaasi uu u socday dekedda Muqdisho isagoo wata badeecad waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dowladda ayaa si adag u cambaareysay afduubka, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida dalka iyo amniga qaranka.
“Afduubka markabkan, oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad la xiriira Puntland, waa mid si cad u xadgudbaya dastuurka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, wuxuuna hoos u dhigaya midnimada, madaxbannaanida, iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in afduubka markabka, oo ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan Puntland, uu yahay fal ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Badweynta iyo Xeebaha (UNCLOS), kaas oo u arka falalka noocaas ah inay yihiin burcad-badeednimo.
“Dowladdu waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka iyo wixii ku jiray, maadaama uu siddo shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorrisay Puntland inay joojiso hawlgallada sharci-darrada ah ee ka dhacaya xeebaha Soomaaliya, iyadoo xustay in ay sii wadi doonto dagaalka lagaga hortagayo burcad-badeednimada iyo in caddaalad lamarsiiyo kuwa ku lug leh falalkaasi.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee dowladda Federaalka ay si rasmi ah uga hadasho markabka SEA WORLD oo lagu haysto xeebaha Puntland tan iyo 18kii Luulyo, markaas oo Puntland ay sheegtay in markabkani uu kusoo xirtay xeebaha Puntland sababo la xiriira xaalad badda ah, isla markaana ay baareyso markabka.