By Abukar Osman
Dowladda Masar ayaa 12-kii bishan Soomaaliya ugu deeqday shixnado dharka ciidanka booliska ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa shaacisay in dowladda masar ay soomaaliya gaarsiisay shixnado dharka Ciidanka Booliska ah. Wasaaradu waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb qaadaneyso dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliyeed.
Wasaarada arimaha Gudaha Masar ayaa deeqdaan dharka ah soo gaarsiisay garoonka aadan cade ee magaalada muqdisho iyada oo fulineysa amarka Madaxweynaha Masar C/fitaax al siisi.
Ujeedada gargaarkaan ayaa ah sidii Masar ay uga qeyb qaadan laheed taageerada nidaaminta ciidanka booliska.
War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha bulshada ee wasaarada arimaha Gudaha Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay in gargaarkaan uu ka koobnaa deeq iyo tababaro farsamo.
Xiriirka u dhexeeya Masariyo Soomaaliya ayaa ah mid taariikhi ah, isla markaana salka ku haya dhinacyo kala duwan. Dowladda Masar waxay si joogto ah uga caawisaa Soomaaliya dhanka amniga, gaar ahaan tababarka ciidamada booliska iyo qalabkooda.