Monday, September 16, 2024

Maxaa Beijing ku dhex maraya Shiinaha iyo qaaradda Afrika ?

Beijing (Dawan)- Magaalada Beijing ayaa martigelineysa shirka ugu weynaa ee diblomaasiyadeed ee looga tashanayo mustaqbalka iskaashiga Shiinaha oo ah deyn bixiyaha ugu weyn qaaradda Afrika iyo wadamada Afrika, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo horumarinta kaabayaashada dhaqaalaha

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee 2024, oo ah shirkii 9-aad ee noociisa ah, ayaa si rasmi ah uga furmay Beijing 4-tii September, waxaana lagu wadaa in uu socdo muddo saddex maalmood ah, waana markii ugu horeysay ee la isagu yimaado tan iyo markii uu dunida ka dillaacay cudurkii safmareenka ahaa ee Covid19.

Shirkan, oo saddexdii sanaba mar la qabto tan iyo sannadkii 2000, ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 50 waddan oo Afrikaan ah, iyada oo ay ku jiraan wufuud heer wasiir iyo madax ka socota dalalka Afrika. Eswatini, oo ah dalka kaliya ee Afrika ee aan wax xiriir ah la laheyn Shiinaha sababta oo ah xiriirka ay la leedahay Taiwan, ayaa ah dalka kaliya ee maqan.

Ajandaha sanadkan ee Madasha FOCAC waxaa ka mid ah afar kulan oo heer sare ah oo looga hadlayo qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1. Doorka dowladaha gobollada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

2. Iskaashiga warshadaha iyo horumarinta warshadaha Afrika.

3. Farsamooyinka cusub ee beeraha iyo kor u qaadista wax soo saarka cuntada ee Afrika.

4. Tillaabooyinka iskaashiga ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida qaaradda.

Xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika ayaa inta badan ku saleysan amaahyo waaweyn oo Shiinaha uu bixiyo si uu ugu taageero horumarinta kaabayaasha Afrika.

Tan iyo sanadkii 2000, Shiinaha wuxuu bixiyay 1,306 amaah oo ku kacaya 182.28 bilyan oo dollar, kuwaas oo la siiyay 49 dowladood oo Afrikaan ah iyo 7 amaah goboleed. Amaahdan ayaa lagu maalgeliyay mashaariic waaweyn sida wadooyinka, tareennada, iyo dekedaha. Wadamada sida gaarka ah u qaatay amaahda badan waxaa ka mid ah Angola, Ethiopia, Kenya, Zambia, Nigeria, iyo South Africa.

Shirkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada ee qaaradda Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here