Friday, March 14, 2025

Maxaa isku xiray wadahadalka Xasan iyo amiirka qadar iyo safarka Cirro?

Madaxweyne Cirro waxa uu u safaryay Imaaraadka Carabta si uu gu qeyb galo shirka Dowladaha Adduunka, Madaxweyne Xasan waxa uu qadka teleefanka kula hadlay Amiirka qadar, Dabcan labada Madaxweyne way kala duwan yihiin balse maxaa isku soo beegay Safarka cirro iyo weedha  Xasan iyo qadar.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u safray Imaaraatka Carabta si uu uga qeyb galo Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee 2025 oo lagu qabanayo magaalada Dubai.

Shirka Dowladaha Adduunka oo ah kii 12 aad ayaa waxaa iskugu imaan doona wafuud ka kala socoto in ka badan 140 dowladeed iyo hay’ado caalami ah, shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin Doorka AI ee dowladnimada, Mustaqbalka gaadiidka casriga ah, Xasilloonida dhaqaalaha, La qabsiga is-beddelka cimilada, Dib-u-habaynta caafimaadka caalamiga ah.

Sida ay sheegeen xafiiska afhayeenka madaxweynaha Soomaaliland Cirro ayaa khudbad ka jeedin doona shirka, isaga oo ka hadli doona geedi socodka iyo horumarka dhaqaale  ee Soomaaliland.

Ma cadda doorka uu ugu qeyb galayo madaxweynaha Soomaaliland shirkaan, balse madaxweynaha Soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa qadka teleefanka kula hadlay amiirka qadar oo ay siyaasad ahaan kala fog yihiin Imaaraadka carabta, iyada oo wada hadalka labadaan hogaamiye loo arkayo mid madaxweynaha soomaaliya uu ugu jawaabayo casuumaadka madaxweynaha Soomaaliland ee shirka Dowladaha Adduunka ee ka dhacaya imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo imaaraadka carabta ayaa siyaasad ahaan mudooyinkaan aad isgu fiicneed, halka xiriirka qadar iyo Soomaaliya uu u muuqday mid isku soo dhawaansho.

Arinkaan ayaa dab ku sii shideysa xiriirka madaxweyna xasan iyo Imaaraadka oo baryahaan danbe ay ka muuqatay kala fogaansho siyaasadeed.

Ma caddo in madaxweyne xasan uu ka qeyb gali doono shirkaan, balse waxaa Dubai ku sugan qaar ka mid ah golaha wasiiradda Soomaaliya sida wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cigge iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Shirkaan, oo sanad walba lagu qabto Dubai ayaa ah madal ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha caalamka, khubaro iyo madax sare, si ay uga wada hadlaan xalalka waara ee horumarinta dowlad-wanaagga, dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha, balse sanadkaan Dowladda Soomaaliya waxa uu u-leeyahay macno kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here