Monday, October 7, 2024

Maxaa keenay in la bedelo madaxweynaha Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Inkasta oo mudda xileedkeedi kowaad dhamaaday hadana Sahle-Work Zewde waxay xaq u leheed in dib loo doorto 6 sano oo dheeraad ah. Taas ma dhicin oo maanta waxaa madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya loo magacaabay Taye Atske-Selassie, oo muddo ka yar sanad ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Arrintan waxaa loo sababeynaya warar la isla dhaxmarayay maalmihii ugu dambeeyay oo ahaa in khilaaf soo kala dhex galay Sahle-Work Zewde iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Shakigaas waxaa dhaliyay, qayb ka mid ah gabay ay soo dhigtay barteeda X maalmo ka hor oo nuxurkiisu ahaa ” afdaboolan waa dahab” waxayna raacisay ” Aamusnaantu waa jawaabtayda;waxaan isku dayay hal sano”

Qoraalkeeda ayaa yimid kadib muddo dheer oo qaar ka mid ah dadka dalkaas ay ka dalbanayeen inay ka hadasho colaadda ka jirtda dalka iyo eedeymaha loo jeediyay maamulka Abiy Axmed ee la xiriira in xasuuq ka dhacay deegaano badan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Maanta oo ku beegan laba maalin kadib qoraalkeedi dhaliyay hadal haynta badan, waxaa Taye Atske-Selassie loo magacaabay madaxweyne kadib markii ay ansixyeen labada gole ee dalkaas.

Sahle-Work Zewde ayaa 25kii October 2018 loo magacaabay in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay iyo Madaxweynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Waxay shaqadeeda dowladnimo kasoo billowday Wasaaradda Waxbarashada, kadibna waxay ku biirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 1988, iyada oo dhowr dal kasoo noqotay safiir.

Waa kuma madaxweynaha cusub ee Itoobiya ?

Taye Atske-Selassie waxa uu ku dhashay Debark, ee waqooyiga Gonder ee gobolka Amxaarada. Waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay jaamacadda Addis Ababa isaga oo bartay cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Taye waxa uu soo noqday la-taliyaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Madaxa Waaxda Galbeedka Yurub iyo Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta.

Waxaa loo magacaabay Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Los Angeles 2006dii. waxa uu sidoo kale soo noqday Agaasimaha Guud ee Arrimaha Yurub iyo Ameerika, iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda 2016.

Waxaa loo magacaabay Safiirka Itoobiya ee Masar iyo Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay ee New York.

Markii uu ka soo laabtay safaradiisa diblumaasiyadeed ee dibadda, waxa uu noqday La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Ra’iisul Wasaaraha oo darajada wasiirnimo ka gaaray January 20, 2023.

Taye waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya tan iyo 8-dii February, 2024, isagoo bedelay Demeke Mekonnen oo iscasilay 26kii Janaayo.

Maanta oo ku beegan 7da October, 2024, Taye Atske-Selassie ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha Itoobiya.

Waa maxay shaqada madaxweynaha Itoobiya?

Xilka Madaxweynaha Itoobiya ayaa ah mid hab maamuus ah ama sharafeed, iyadoo awoodda fulinta ay leeyihiin golaha wasiirada ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Tusaale Madaxweynaha Itoobiya, waxa uu warqadaha aqoosniga ka qabtaa safiirada dalalka kale usoo dirsadaan Addis Ababa

Madaxweynaha waxaa soo dooranaya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare muddo lix sano ah, oo loo ogolyahay mar labaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here