Muqdisho, 15 May 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo ay tahay 15-ka May 2025 u buuxsantay saddex sano tan iyo markii mar kale loo doortay xilka hoggaanka dalka, kaddib doorashadii dhacay 15-kii May 2022 oo uu kaga guuleystay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Warbixin kooban oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka madaxweynaha muddadaas, iyadoo si gaar ah loo xusay 10 qodob oo ay dowladda sheegtay inay yihiin guulo la taaban karo oo laga gaaray muddadaas.
Qodobada lagu xusay waxqabadka madaxweynaha waxaa qeyb ka ah in madaxweynuhu uu wax ka qabtay dhammeystirka qodobo kamid ah dasturka dalka iyo daah-furnaanta doorashada dadweynaha, inkastoo uu weli ka taagan yahay muran xooggan iyo dood culus oo ay qabaan xubnaha mucaaradka saluugsan hannaanka uu wax u wado madaxweynaha.
10-ka qodob ee lagu soo koobay waxqabadka madaxweynaha ayaa kala ah;
- Xoreynta iyo xasilinta dalka
- Dib u dhiska ciidamada qalabka sida
- Bilowga soo saarista khayraadka dabiiciga ah
- Dhammeystirka dastuurka dalka
- Daahfurka hanaanka doorashooyinka dadweynaha
- Qaadista cunaqabataynta hubka
- Deyn cafinta dalka
- Ku guuleysiga kursiga Golaha Ammaanka ee QM
- Ku biirista ururka EAC
- Horumarinta waxbarashada
Inkasta oo mucaaradka qaar ay dhaliilayaan madaxweynaha, haddana xukuumadda ayaa sheegaysa in saddexda sano ee la soo dhaafay ay yihiin kuwo lagu xusuusan doono dadaallo muuqda oo dhinacyo badan taabanaya.