Thursday, September 19, 2024

Maxaan ka naqaanaa Haniyeh hoggaamiyaha Xamaas ee la dilay?

Tehran (Dawan)-  Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.

Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian

Waa kuma Ismaaciil Haniyeh?

Haniyeh, oo ku dhintay da’da 58, wuxuu kasoo jeeda qoys qaxooti ah sida ay u badanyihiin jiilka Falastiin ee hadda nool, waxaana qoyskiisa si xoog looga soo barakiciyay tuulada Joura Ashkelon sannadkii 1948-kii.

Waxa uu sannadkii 1963-kii ku dhashay Xera qaxooti oo ku taalla Waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, isaga oo ku noola Gaza tan iyo sannadkii 2019-kii markuu u wareegay dalka Qatar.

Haniyeh waa uu ahaa aabaha 13 carruur ah, oo saddex ka mid ah ay dhawaan Israel ku dishay duqeyn ay la beegsatay bishii April ee sannadkan.

Waxbarashadiisa

Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay dugsiyada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA , halka uu dugsiga sare ka qaatay machadka Al-Azhar.

Haniyeh waxa uu galay Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza 1981-kii, isaga oo ku takhasusay suugaanta Carabiga.

Ku biiristiisi halganka xoreynta Falastiin

Ismaaciil waxa uu dhallinyaranimadiisi ku biiray garabka ardayda ee Ururka Ikhwaan Muslimiin, kaas oo markii dambe la baxay magaca hadda loo yaqaano ee Ururka Xamaas, waxaana la xiray dhowr jeer.

Markii ugu horreysay waxay ahayd 1987, wuxuuna xabsi ku jiray qiyaastii 18 maalmood. Mar labaad ayaa hadana la xiray sannadkii 1988-kii muddo 6 bilood ah.

Markii saddexaad, oo ahayd muddadii ugu dheereed, waxay ahayd 1989-kii muddo 3 sano ah, iyada oo lagu eedayay in uu hoggaamiyo garabka Hay’adda amniga ee ururka Xamaas.

December 17, 1992, ka dib markii xabsiga laga sii daayay, Israel waxay ku qasabtay Haniyeh inuu ka baxo dhulka Falastiiniyiinta, waxaana loo tarxiilay koonfurta Lubnaan isaga iyo tobaneeyo kale oo ka tirsanaa hoggaanka Xamaas ah. Muddo sannad ah ayuu ku sugnaa Lubnaan.

Dilalkii uu ka badbaaday

Waxaa la isku dayay in la dilo Ismaaciil Haniyeh dhowr jeer, waxaana isku dayadaas kasoo gaaray dhaawac sida duqeyntii ay Israel la beegsatay September 6, 2003 xilli uu la joogay Sheekh Axmed Yaasiin, aasaasihii ururka Xamaas.

Kolanyo uu la socday ayaa sidoo kale xabbad lagu furay October 20, 2006, xilligaasoo iska horimaad hubeysan uu dhex maray ururada Fatax iyo Xamaas. Israel waxay la beegsatay gurigiisa oo ku yaalla Gaza dhowr duqeyn sannadihii u dambeeyay, si ay uga takhalusto.

Hoggaamintiisi xukuumadda Falastiin iyo Xamaas

Intii lagu guda jiray kacdoonka loo yaqaano Intifadadii ugu horeysay ee Falastiin, oo bilaabatay 1987 socotayna ilaa 1994, Haniyeh waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii soo caan baxday, isaga oo lagu tilmaamay inuu ragga asaagiisa ah uga tilmaana af-tahanimo iyo xamaasad dheeraad ah.

1997, Haniyeh waxa uu agaasime ka noqday xafiiska aasaasihii ururka Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin, ka dib markii ay sii daysay Israel.

Intii lagu guda jiray doorashooyinkii Baarlamaanka ee la qabtay sannadkii 2006, Haniyeh wuxuu madax ka ahaa kutlada Isbeddelka ee ku xirneed ururka Xamaas, waxeyna ku guuleysteen inta badan kuraastii Baarlamaanka, taas oo keentay in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas u magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Bishii June, 14, 2007, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa xilka ka qaaday Ismaaciil Haniyah kadib markii iska hor imaad hubeysan dhex maray labada urur ee Fatax iyo Xamaas.

Laga soo billoobo sannadkii 2007, Haniyeh waxa uu noqday Madaxa Xamaas ee Marinka Gaza, ka hor inta aan lagu bedelin Yahya Sinwar sannadkii 2017.

2013, ilaa May 2017, Haniyeh waxa uu sidoo kale ahaa Ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee ururka Xamaas.

May 6, 2017, Haniyeh waxaa loo doortay madaxtinimada xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, isaga oo beddelay Khaalid Meshcal.

January, 31, 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Ismaaciil Haniyeh ku dartay liiska argagixisada.

Beegsiga xubnaha qoyskiisa

Intii uu socday duulaanka Israel ee Gaza, waxaa dhowr jeer la duqeeyay guriga Ismaaciil Haniyeh, iyada oo ay Israel ogtahay inuu ku noolyahay dalka Qatar, si ay cadaadis u saarto qoyskiisa.

November 10, 2023, gabar uu awoowe u yahay ayaa lagu dilay duqayn ay Israel la beegsatay School ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaal magaalada Gaza.

April 1, 2024, Boliiska Israel ayaa xiray walaashiis, iyada oo lagu eedeeyay inay xiriir la leedahay hoggaamiyayaasha ururka Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale dilay 3 ka mid ah wiilasha Ismaaciil Haniyeh iyo 3 uu awoowe u ahaa 10-kii April 2024, xilli ay u socdeen qaraabo salaan maalintii Ciidul Fidriga.

Ugu dambeyn waxaa Israel u suurta gashay inay Ismaaciil Haniyeh ku disho magaalada Tehran ee dalka Iran, kadib markii uu ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Iran, Masoud Pezeshkian, isaga oo ku biiray liiska hoggaamiyayaasha Xamaas ee la dilay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here