Sunday, September 8, 2024

Maxaan ka naqaanaa ururka Jaamacadda Carabta ee ay Soomaaliya ka mid tahay ?

Manama (Dawan)- Caasimadda Manama ee dalka Bahrain, waxa ay maanta martigelineysa meertada 33-aad ee shir-madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta.

Soomaaliya, waxaa ku metelaya, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo sannadkan buuxiyay booskii madaxweyne Xasan.

Shirka Wadatashiga Qaran oo ka socda Muqdisho iyo sannad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii dib loo doortay madaxweyne Xasan, ayaa lagu sababeyn karaa baaqashadiisa, blasé waa jiri karaan arrimo kale.

Qodobada ugu waaweyn ee ay madaxda Carabtu ka doodayaan, waxaa ka mid ah xaaladda Falastiin iyo saameynta uu dagaalka Gaza ku yeeshay guud ahaan gobolka.

Soo afjaridda dagaalada ka socda qaar ka mid ah dalalka Carabta sida Suudaan iyo Suuriya.

Taageeridda dowladaha Soomaaliya, Lubnaan iyo Yemen.

Xal u helidda xasaradda ka taagan xudduudka Jabuuti iyo Eritrea

Ka hortagga isbeddelka cimilada iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah

Maxaan ka naqaana ururka Jaamacadda Carabta?

Ururka Jaamacadda Carabta waa urur goboleed ay ku midaysanyihiin 22 dal oo ku kala abtirsada qaaradaha  Aasiya iyo Afrika, waxaana dhidibada loo taagay 22-kii March 1945.

Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xarun u ah ururka, balse shir sanadeedka madaxda Carabta marba waxaa lagu qabtaa mid ka mid ah 22-ka dal.

Ururka waxaa lagu billaabay todobo dowladood oo kaliya kuwaas oo xilligaas ku naaloonayay  madax bannaani siyaasadeed, waxeyna kala ahaayeen Masar, Sacuudiga, Yemen, Suuriya, Lubnaan, Jordan, iyo Ciraaq.

Ujeedka ururka Jaamcadda Carabta

Ururka waxaa loo aas-aasay sidii dowladaha ku mideysan  ay isaga kaashan lahaaayeen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqanka

Dhaxdhaaxinta khilaafka soo kala dhax gala dowladaha xubnaha ka ah ururka ama xubin ka mid ah ururka iyo dowlado kale, ayaa iyaduna ka mid ah ujeedooyinka Ururka.

Soomaaliya waxa ay ururka ku biirtay 14-kii February sannadkii 1974, iyada oo Comoros ay tahay dowalddii ugu dambeysay  ee kusoo biirtay ururka sannadku markuu ahaa 1993.

Boqortooyada Bahrain oo sannadkaan nasiib u yeelatay in ay martigeliso meertada 33-aad ee shir madaxeedka ayaa noqotay dowladdii 14-aad ee kusoo birtay ururka sannadkii 1971.

Nidaamka xukunka ee dowladaha Carabta

Marka aan eegno nidaamka xukunka ee ka jira dunida Carabta waa laba qeybood.

Todobo ka mid ah 22-ka dowladood ee Ururka Jaamacadda Carabta, nidaamkoodu waa boqortooyo, halka 15-ka kale ee soo haray ay yihiin dowlado ku dhisan nidaam Jamhuuri ah.

Hoggaanka ururka iyo Masar

Sida ku cad qodobka laba iyo tobnaad ee Axdiga Jaamacadda Carabta, Xoghayaha Guud ee Ururka ayaa ku yimaada ogolaaanshaha  saddex meelood laba meel xubnaha ururka, isaga oo noqonaya  wakiilka rasmiga ah ee golayaasha caalamiga ah.

Tan iyo markii la aas-aasay Ururka Jaamacadda Carabta bishii March 1945, waxaa xogahaye guud  kasoo noqday 8 qof, iyada todobo ka mid ah siddeedaas ay ahaayeen Masaari.

Shaadali Al-qulubi oo kasoo jeeday Tuunis ayaa ahaa xoghayaha kaliya ee aan Masar ahayn ee hoggaamiyay ururka sannadihii 1979 ilaa 1990.

Dadka qaarkood ayaa u arka in ururku uu yahay urur ay leedahay dowladda Masar, maadaam ay isku darsatay hoggaanka iyo xarunta ururka balse markaad si hoose u eegto ma jirto cabasho xoog badan oo arrintaas ka taagan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here