Sunday, September 8, 2024

Maxay Hay’adda Amniga Saaybar-ka kusoo kordhineysa Soomaaliya?

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Amniga Saaybar-ka (Cyber Security)” oo ka kooban lix cutub ayna soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo iyo Teknoolojiyada.

Ujeeddooyinka Sharciga

  1. Magacaabista hay’ad, bixinta habraacyo looga hortagayo, laguna maareynayo,
    isla markaana looga fal-celinayo shilalka Amniga Saaybarka.
  2. Hubinta in hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah ay hirgeliyaan
    tallaabooyin iyo wadashaqayn ku aaddan arrimaha Amniga Saaybarka.
  3. Sare-u-qaadidda horumarinta iyo wacyi-gelinta Amniga Saaybarka.

    Qodobka ah in Soomaaliya ay yeelato Hay’ad u qaabilsan Amniga Saaybar-ka ayaa loo arkaa kan ugu muhiimsan, waxa ayna Hay’addu yeelan doonta guddi ka kooban sagaal xubnood, Maareeye iyo ku xigeenkiisa.

    Guddiga ayaa ka koobanaanaya wasiirraada kala ah:
    Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada oo noqonaya guddoomiyaha guddiga.
     Wasiirka Amniga
    Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
    Wasiirka Arrimaha Dibadda
    Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada  
    Wasiirka Maaliyadda
    Wasiirka Caafimaadka
    Wasiirka Arrimaha Gudaha
    Wasiirka Gaashaandhigga

    Maariyaha Guud ee Hay’addu ayaa noqonaya xoghayaha guddiga, haseyeeshee ma ahan xubin joogta ah oo ka tirsan guddiga.
    Maareeyaha, ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha kale ee Guddiga Hay’adda waxay xilka xubinnimada haynayaan muddo Afar (4) sano ah oo loo cusboonaysiin karo hal maroo kaliya

    Awoodaha iyo Waajibaadka Hay’adda Amniga Saaybar-ka Qaranka

    Awoodaha iyo Waajibaadka hay’adda ayaa gaaraya ilaa 15, balse waxaan kasoo qaadan karnaa:

    1- Horumarinta, daabacaadda, hirgelinta, joogteynta iyo kormeeridda
    istaraatijiyadda qaran ee amniga saaybarka
    2- Soo-saarista halbeegyada amniga saaybarka ee ay ku shaqeynayaan
    kaabayaasha muhiimka ah.
    3- Sare-u-qaadista wacyi-gelinta khataraha amniga saaybarka, xirfadaha, aqoonta
    iyo dhaqamada amniga saaybarka.
    4- Dhiirri-gelinta iyo hirgelinta tallaabooyinka kor loogu qaadayo amniga saaybarka
    ayadoo la adeegsanayo teknoolajiyada iyo maamulka.
    5- Talo-siinta wasaaradaha iyo hay’adaha JFS iyo dawlad-goboleedyada ee
    arrimaha ku saabsan amniga saaybarka.
    6- Soo-saarista iyo daabacaadda tilmaameyaal ku saabsan amniga saaybarka ee
    ay fulinayaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ama arrimaha
    kale ee la xiriira fulinta Sharcigan.
    7- Dhisidda iyo isku-dubaridka habab iskaashi-wadaag ah oo ka dhexeeya
    hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka ah, si looga hortago loona xalliyo shilalka
    iyo khataraha amniga Saaybarka.
    8- Ku-matalidda JFS hay’adaha caalamiga ah, dawladaha shisheeye iyo kuwa
    gaarka loo leeyahay ee arrimaha ku aaddan amniga saaybarka.

    Waa maxay Amniga Saaybar-ka?

    Amniga Saaybar-ka waa wadiiqo looga ilaalinaayo dadka aan xaqa u lahayn dhexgalka shabakadaha isku xiran, aaladaha ama u adeegsiga fal dembiyeedyada, sidoo kale damaanad qaadka sir ahaanshaha xogaha gaarka ah iyo ilaalintooda

    Maxay soo kordhineysa Hay’addaan cusub?

    Soomaaliya waxay hore u lahayd hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo howlaha uu sharcigaan xusayo ay qeyb ka yihiin awoodaheeda.
    Sidoo kale waxa ay dowladdu horay u dhistay hay’adda ilaalinta xogta muwaadiniinta oo isla howlahan oo kale ugu xil saaran dowladda.
    Arrinkaan ayaa abuuraya jahwareer dhanka shaqada ah, dhanka kalena culeys dhaqaale ku soo kordhinaya miisaaniyadda dowladda ee daciifka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here