Friday, November 22, 2024

Maxay madaxda dalalka Geeska Afrika ka dhaheen dib u doorashada Trump?

Muqdisho (Dawan)- Iyada oo aan la xaqiijin ayuu musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump khudbad ka jeediyay xarunta ololihiisa doorashada isaga oo sheegtay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, inkasta oo markii dambe uu helay codad u suurta gelinaya inuu markale ku laabto Aqalka Cad.

Sheegashadiisa kadib waxaa si isdaba joog ah u bilowday hambalyada ay madaxda caalamku la wadaagayaan Trump iyo shacabka America. Madaxdaas waxaa safka hore uga jiray kuwa dalalka Geeska Afrika.

Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid madaxda dirtay hambalyada waxa uuna bartiisa ” X” kusoo qoray ” Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guusha taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka.”

Xasan waxa uu intaas ku daray; ” Waxaan rajaynayaa in aan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeena qaran isi loo hormariyo nabadda, amniga, iyo barwaaqada guud”

Mareykanka ayaa xilligaan ah dowladda ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageerta dhinacayda siayasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bini aadanimo iyo dib u dhiska hannaanka dowaldnimo. Waxaa ugu dambeyay inay Soomaaliya ka cafiso in ka badan 1 bilyan oo dollar oo deyn ah.

Jabuuti

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna soo qoray ” Hambalyo Madaxweyne Trump oo loo doortay, waxaana rajo ka qabnaa in hoggaankiisu uu fursado cusub u keeno Mareykanka. Waxaan sidoo kale rajaynayna inaan sii xoojino xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal”

Mareykanku waxa uu ku leeyahay Jabuuti saldhigga ciidan ee lagu magacaabo “Camp Lemonnier” iyada oo lagu qiyaasay inay joogaan in ka badan 2, 000 oo askari.

Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka mid ah madaxda gobolka ee Trump u diray hambalyada guusha uu kasoo hooyay tartanka madaxtinimada, isaga oo yiri; “ Waxaan kuugu hambalyaynaya guushaada doorashada iyo dib usoo laabashadaada. Waxaan rajeynayaa inaan ka wada shaqeyno sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal inta lagu jiro xilhayntaada”

Inkasta oo Itoobiya ahaan jirtay saaxibka uu Mareykanku ku leeyahay gobolka hadana dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay waxa uu keenay inuu hoos u dhaco xiriirka labada dal.

Kenya

Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne William Ruto waxa uu ahaa mid ka ballaaran hambalyo waxa uuna dirayay farrin muujinaysay in dalkiisu yahay kan ugu habboon ee noqon kara saaxibka ugu dhaw Mareykanka marka laga hadlayo Geeska Afrika

Ruto aaa yiri; ” Kenya waxay qiimeysaa iskaashiga soo jireenka ah ee ay la leedahay Mareykanka oo soo socday lixdan sanadood kaas oo ku qotoma qiyamka aynu wadaagno ee dimuqraadiyadda, horumarka iyo is ixtiraamka”

Eritrea

Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Donald Trump,sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Eretria, waxaan jeclaan lahaa inaan kuugu hambalyeeyo xilligaan muhiimka iyo is-beddelka taariikhiga ah,” Sidaas waxaa laga soo weriyay Afewerki.

Xiriirka Eritrea iyo Mareykanka waxaa lagu tilmaami karaa mid aad u hooseeya.

Uganda

Ma jiro wax hambalyo ama qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Uganda ilaa iyo hadda (22:20 xilliga Geeska Afrika)

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here