Wednesday, December 4, 2024

Haashim Dhaqane oo lagu eedeeyay kiis kale oo dil ah

Nairobi (Dawan)- Haashim Dhaqane Muxumad oo horay loogu soo eedeyay dilkii Nairobi loogu gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo Soomaali ah ayaa lagu soo eedeeyay kiis kale oo dil ah.

Saraakiisha dambi baarista ayaa Haashim ku eedeeyay dilka mayd laga helay 31-dii bishii hore qubuuraha Langaata ee magaalada Nairobi, kadib markii maqaarka laga fiiqay lana jarjaray jirka qofkaas.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay waaxda dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in eedeysane Haashim Dhaqane lagu tuhmay inuu ku lug lahaa dilka Deeqa Cabdinuur Qorane oo la waayay 24-kii bishii hore islamarkaana warbixin ku aadan maqnaanshaheeda loo gudbiyay saldhigga booliiska Carlifornia ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Baaritaano lagu sameeyay kaameerada CCTV ayaa lagu arkay Haashim oo sita labo boorsad islamarkaana ka sii baxaya guri ku yaalla xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi. Muuqaaladu waxay sidoo kale muujiyeen Deeqa oo geleysa guriga, iyada oo uu la socdo Haashim.

Baarayaasha ayaa aamisan in boorsooyinkaas ay ku jireen lafaha maydka dhawaan laga helay qubuuraha Langaata ee Nairobi, islamarkaana loo maleynayo Deeqa Cabdinuur Qorane oo la waayay bishii hore. Hay’addu waxay sheegtay inay socdaan weli baaritaano lagu xaqiijinayo dhacdadaan, iyada oo dib laga soo sheegi doono wixii kusoo kordha kiiskan cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here