Monday, June 9, 2025
Array

Maxay tahay Fariinta Maamulka Gobolka Banaadir?

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fariin u diray dadka ku nool xarumaha dugsiyada dowladda, isagoo ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u baneeyaan. Maamulka ayaa balan qaaday in uu dayactir ku sameyn doono goobahaas si loo horumariyo dugsiyada uu maamulo gobolka, kuwaas oo hadda gaaraya 50 iskuul.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa sheegay hadalkaan xilli uu ka qaybgalayay furitaanka imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshuhu yahay in tirada ardayda dugsiga dhexe ee ka baxda ay kordhaan, iyadoo la rajeynayo in la gaaro ilaa 100,000 oo arday.

Sanadkan, waxaa imtixaanka dugsiga dhexe ka qaybgalay in ka badan 41,000 oo arday, taasoo ka dhigan in ay sameysay koror dhan qiyaastii 18 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore, oo ay imtixaanka gashay in ka badan 35,000 oo arday. Dhanka kale, dugsiyada uu maamulo gobolka Banaadir ayaa hadda gaarey 50 iskuul, taasoo muujinaysa koror 50 boqolkiiba ah marka loo eego sanadkii hore.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay 2 Juun ee sanadkan in laga baxo 14 iskuul oo ku yaal gobolka Banaadir, kuwaas oo hadda loo isticmaalo hoy ku meel gaar ah. Tallaabadaas ayaa lagu doonayaa in dib loo hawlgeliyo iskuuladaas.

Maamulka ayaa sheegay in qorshuhu yahay in iskuuladaas ay si rasmi ah u bilaabaan shaqada bisha Sebtember ee sanadkan taas oo ku aadan xiliga uu bilaaban doono sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here