Saturday, July 27, 2024

Maxey tahay shaqada xafiiska UNSOM ee Soomaaliya codsatay in la xiro?

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay, ku codsatay in aan dib loo cusubooneysiinin shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.

Codsigan ayaa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda ayaa arrintan ku sababaysay in dowladda Federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida ku aaddan horumarkeeda mustaqbalka.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya mar dambe aysan codsan doonin dib u cusboonaysiinta qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023)

Soomaaliya, waxa ay codsatay in la qaado dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu soo gabagabeynayo muddo xileedka Howgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha October 2024.

Falcelinta ka dhalatay codsiga dowladda

Tillaabada ay qaadday dowladda waxaa ka dhashay falcelin kala duwan oo isagu jirta taageero iyo dhaliil, iyada oo dadka qaarkood ku doodayaan in la joogo xilligii la xiri lahaa xafiiska UNSOM halka ay jiraan dad kale oo qaba in go’aanka dowladda uu yahay mid qar iska tuurid ah.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mocallimow : ” Dowladda Soomaaliya xaq beey u leedahay in ay dalbato in la soo gabagabeeyo Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM waana in lagu taageeraa, waxase Halxiraale adag mustaqbalka ku noqon doono marka ay xallin weydo dabka gudaha kaga shidan”.

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee NISA: “Madaxweyne Xasan go’aanka uu maanta ka gaaray Xafiiska QM natiijadeeda wuxuu guran doonaa subaxa 16ka May, 2026. Maalintaas oo ay isku fac noqonayaan qof walba oo aanan xil qaran haynin”

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay BBC ayaa yiri; ‘” Dalkan illaa uu isku filnaado amni ahaana uu soo kabato, dhalato dowlad dalka oo dhan xukunta, siyaasad deggan gaadha way u baahantahay xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa’’

Muxuu qabtaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya?

Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2102 soona baxay 3-dii June 2013-kii, iyada oo dhowr jeer la cusbooneysiiyay mudda xileedka Howlgalka oo hadda ku eg 31-ka October 2024.

Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa siiya Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Africa (ATMIS) talooyin la xiriira nabadda, maamul wanaagga, hirgelinta dimoqraadiyadda iyo dhameystirka Dastuurka.

Xafiiskaan oo loosoo gaabiyo UNSOM ayaa sidoo kale gacan ka geysta dhowrista xaquuqda aadanaha , taageeridda kaalinta haweenka, ilaalinta xaquuqda carruurta, adkeynta hay’adaha Garsoorka iyo ka hortagga qalalaasaha horseeda kufsiga iyo tacaddiyada jinsiga ku salleysan.

Xarunta dhexe ee UNSOM waxay ku taal Muqdisho, balse waxa ay xafiisyo ku leeyihiin Magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya sida Kismaayo, Hargeysa, Garoowe, Baydhabo iyo Beledweyne.

Dhawaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay soo gabagabaynayso hawsheeda hoggaaminta xafiiksa UNSOM dhamaadka bisha May.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here