Puntland, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa xukunno ciqaabeed ku riday rag ku eedeeysanaa in lagu soo qabtay iyagoo damacsan qorshayaal qaraxyo ah oo lagu fulin lahaa gudaha Puntland. Raggan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni-darro, kuwaas oo khatar weyn ku ahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Ragga la xukumay ayaa gaaraya ilaa afar, kuwaas oo kala ah:
- Ali Cabdullaahi: 30 sano oo xarig ah
- Maxamed Daahir: 10 sano oo xarig ah
- Abdifataax Xaashi: 10 sano oo xarig ah
- Jaylaani Siidow: Xuriyadiisa dib ayaa loo celiyay
Maxkamadda ayaa caddeysay in raggan la soo qabtay ay isku dayayeen inay isticmaalaan diyaarado aan duuliye lahayn (drones) si ay u fuliyaan weeraro qaraxyo ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunnadaan ay ku riday iyagoo tixraacaya dambiyada culus ee qaraxyada iyo falalka ay damacsanaayeen inay ka fuliyaan deegaanno Puntland ka mid ah.
“Xukunnadaan waa digniin cad oo loo dirayo kooxaha amni-darrada ah ee damacsan inay dhibaatada ku fidiyaan gobolka. Ma aqbali doonno in la khalkhal geliyo nabadda iyo ammaanka shacabka Puntland,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland.
Xukunka ka dib, maxkamadda ayaa sheegtay in cid kasta oo ka cabanaysa dacwadda ay racfaan ka qaadan karto muddo 30 maalmood gudahood.
Xukunnadan ayeey maxkamaddu sheegtay in ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Puntland ka wado la dagaallanka kooxaha ka dagaallamo deegannadeeda iyo ilaalinta nabadda guud ee gobolka.