Tuesday, July 29, 2025

Madaxa Cusub ee AUSSOM oo xilka la wareegay

Muqdisho (Dawan ) –Midowga Afrika ayaa si rasmi ah usoo magacaabay El Hadji Ibraahim Diene “Boly” inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

War rasmi ah oo kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu yiri:“El Hadji Ibrahima Diene ‘Boly’ ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Madaxa AUSSOM.”

Diene Boly ayaa xilkan uu la wareegay waxaa markii hore haayey Souef Maxamed Al-Amiin kaas oo banneeyey kadib markii uu noqday March ,2025, Madaxa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Diene ayaa Isniintii soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socday AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Soo dhawaynta waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ishaaq Maxamed Mursal, ku-xigeenka SRCC  iyo AUSSOM Mukhtaar Cusmaan Kaariye, iyo Taliyayaasha Ciidamada AUSSOM.

Diene Boly ayaa hadda si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa hoggaaminta howlgalka AUSSOM, isagoo noqonaya wejiga cusub ee xiriirka Midowga Afrika iyo Soomaaliya.

Diene wuxuu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan amniga, dagaallada, iyo howlgalada nabad ilaalinta. Waxa uu hore uga soo shaqeeyay gudaha iyo dibadda Senegal, wuxuuna ka qeyb qaatay howlgallo caalami ah oo nabad ilaalin ah, sida kuwa ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Suuriya, iyo Mali.

Waxaa sidoo kale uu khibrad siyaasadeed ku leeyahay xafiisyada Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNOCA—xafiiska gobolka Afrika Dhexe.

Imaanshaha Diene “Boly” ayaa loo arkaa mid muujinaya xoojinta doorka Midowga Afrika ee ku aaddan xasillinta Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here