Wednesday, December 4, 2024

Midowga Afrika oo shuruud ku xiray in Suudaan dib ugu soo noqoto Ururka

Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa ku adkeystay in Suudaan aysan heli doonin xubinimadeeda buuxda ilaa ay ka soo baxdo shurudaha looga baahanyahay dalalka ay ka dhacaan afgembyada ee ah in xukunka lagu wareejiyo hay’ado sharci ah oo heshiis lagu yahay.

Ururka ayaa hakiyay xubinimada Suudaan sanadkii 2021 kadib afgembigii dalkaas ka dhacay.

Bankole Adeoye, madaxa Arrimaha Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in dowlada Suudaan looga baahanyahay inay marka hore ka shaqeyso xabbad-joojin waarta iyo bilowga wada-hadallo siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin ururaada rayidka iyo dhinacyada siyaasadda.

“Midowga Afrika waxa uu ku taagan yahay mowqif cad: uma dulqaadanayo afgembi iyo tallaabooyinka aan waafaqsanayn mabaadi’da iyo xeerraka u degsan ururka” ayuu yiri Bankole Adeoye, oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa.

Adeoye ayaa intaas ku daray, in Midowga Afrika uu la shaqaynayo urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay si xal waara loogu helo xaaladda Suudaan, iyada oo mudnaanta la siinayo xabbad-joojin degdeg ah iyo in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo dadkii dhibaatadu soo gaartay muddadii uu dalkaas ka socday dagaalka sokeeye.

“Waxaan aaminsanahay inaan xal lagu gaari karin hannaan milatari iyo colaadd” ayuu yiri Adeoye, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-hadallada. Waxa uu hoosta ka xariiqay sida Midowga Afrika uga go’an tahay hirgelinta dimuquraadiyadda iyo maamul-wanaagga Suudaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay Suudaan dadaal ugu jirto inay dib usoo celiso xubinnimadeedii Midowga Afrika, taas oo la hakiyay ka dib afgambigii dhacay bishii October, 2021 ee uu talada dalka kula wareegay General Cabdifataax al-Burhaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here