Muqdisho, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee saxiixay mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa si cad u sheegay inaysan ka laaban doonin mooshinkooda, iyagoo ku tilmaamay war-saxaafadeedkii shalay kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha mid aan waxba ka beddelin mowqifkooda.
Warsaxaafadeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhigayey in uu dib loogu celiyo Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda arrinta la xiriirta xil ka xayuubinta kursiga HOP#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, si ay markale uga soo talo bixiyaan.
Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka aqrinayey go’aanka xildhibaannada ayaa sheegay in kulan ay yeesheen xildhibaano badan oo saxiixay mooshinka, lagagana hadlayay war-saxaafadeedka uu akhriyay Habdhowraha Baarlamaanka, uu muujinayo khaladaad sharciyeed .
Wuxuu sheegay in Guddmiyaha uusan si toos ah uga laaban go’aankiisii horay ee xil ka xayuubinta ahaa ee 15 May 2025 uu ku sameeyey xildhibaan Abiib isla markaana la rabay in uu soo saaro go’aan maamul oo rasmi ah, uuna ku saxiixan, islamarkaana leh habraac sharci ah oo lagu raaco.
Xildhibaan Carab ayaa intaas ku daray in xildhibaannada mooshinka saxiixay aysan ku qanacsanayn war-saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayna weli taagan tahay baaqooda ku aaddan xil ka qaadista guddoomiyaha.
“Mooshinkii xil ka qaadista sidii buu u taagan yahay. Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan xildhibaannaduba ogaadaan in arrintan aanay ku dhamaan war-saxaafadeed lagu soo saaro si aan sharci ahayn,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa imanaya Xilli khilaafka u dhexeeyo Guddoonka iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka uu sii xoogeysanayo,iyadoo lagu wado maanta in uu dhaco kulanka golaha Shabcabaka oo labadii isbuuc ee lasoo dhaafay baaqanayey.