Djibouti – Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelleh, ayaa abaalmarinta ugu sareysa ee dalka, oo ah “Medal of Commander’s” ee “Order of the Grand Star of Djibouti”, gudoonsiiyay Moussa Faki Mahamat, Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika, kaas oo soo gabagabeynaya laba muddo-xileed oo uu hayay hoggaanka ururka.
Munaasabadda lagu qabtay Qasriga Jamhuuriyadda ayaa calaamad u ahayd dhammaadka xilligii labaad ee uu Faki hoggaaminayay Guddiga Midowga Afrika, taas oo ah tii ugu dambeysay ee uu xilkan hayay.
Intii kulanka lagu jiray, Moussa Faki Mahamat ayaa uga mahadceliyay Djibouti taageerada ay siisay muddadii uu xilka hayay, isagoo si gaar ah u xusay doorka muhiimka ah ee uu ka ciyaaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh. Wuxuu carrabka ku adkeeyay kaalinta Djibouti ee fududeynta wada hadallada muhiimka ah ee la xiriira caqabadaha iyo fursadaha kobaca qaaradda Afrika.
“Abaalmarintani waxay muujineysaa taageerada aan kala go’a lahayn ee Djibouti iyo go’aankeeda ah in Afrika lagu gaarsiiyo himilooyinka ay hiigsanayso,” ayuu yiri Faki.
Madaxweyne cusub oo xilka kala wareegi doona Moussa Faki Mahamat Maxamauud Cali Yuusuf, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Djibouti. Yuusuf ayaa la wareegi doona hoggaanka Guddiga Midowga Afrika, waxaana uu helay taageero ballaaran.
Mahmoud Ali Youssouf, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Guddiga Midowga Afrika uu ku jiri doono “gacmo awood leh,” isagoo xusay in Youssouf uu yahay hoggaamiye khibrad leh oo si fiican u fahamsan baahiyaha iyo caqabadaha ka jira qaaradda.
Dhankiisa, Maxamauud Cali Yuusuf ayaa uga mahadceliyay Moussa Faki Mahamat hoggaamintii qiimaha lahayd ee uu Midowga Afrika kusoo kordhiyay, wuxuuna ballan qaaday in uu sii wadi doono howlaha iyo qorshayaashii Faki uu dejiyay.
Moussa Faki Mahamat waxa uu hoggaanka Guddiga Midowga Afrika hayay laga bilaabo Maarso 2017 ilaa Febraayo 2025. Wuxuu xilkan ku guuleystay bishii Janaayo 2017, wuxuuna si rasmi ah ula wareegay Maarso 2017. Intii uu xilka hayay, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray hannaanka dib-u-habaynta Midowga Afrika iyo xal u helidda caqabadaha qaaradda.
Bishii Febraayo 2021, waxaa mar kale loo doortay muddo xileed labaad, taasoo dhammaatay bishii Febraayo 2025.