Monday, December 23, 2024

Mucaaradka hal baa seegtay, walise daba qabasheey leeyihiin

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.

Waxaa qurux badan in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragtii ee aysan noqonin mucaradnimo soo taagan kaliya.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn, isagoo baddalay dastuurkii Jubaland, uuna toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas.

Waxaa ku habboon mucaaradka aragtiyadooda inay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleysan yihiin si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.

Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah? Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here