Monday, July 28, 2025

Mucaaradka oo cambaareeyay Dowladda Kadib qabsashadii Maxaas ee Al-Shabaab

Muqdisho (Dawan ) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay Dowladda Federaalka kaddib markii magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ay dib ula wareegeen dagaallamayaasha Al-Shabaab, taas oo ay ku tilmaameen fashil amni oo weyn oo qaran.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay maanta soo saareen, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay sida ay dowladda u maareyneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda, iyagoo ka digay luminta dhul horey loo xoreeyay iyo in kalsoonidii shacabka ay si weyn u daciifayso.

Shariif, ayaa sheegay in dib u qabsashada Maxaas — oo ahayd magaalo lagala wareegay Al-Shabaab in ka badan 12 sano ka hor — ay muujinayso “fashil mas’uuliyadeed oo culus oo ka yimid dowladda federaalka.”

“Waa nasiib darro weyn in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabaneyso deegaanno muddo dheer xor ahaa. Arrintan waxa ay ka dhalatay dayacaad amni oo halis ah. Dowladda federaalka waa inay mas’uuliyadda qaaddaa,” ayuu yiri Shariif.

Wuxuu amaanay geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamda deegaanka ee Macawiisley, isagoo tacsi u diray qoysaska askartii iyo dadkii ku dhintay difaaca Maxaas. “Geeddisocodkooda iyo wadaniyadooda waxay mudan yihiin qaddarin qaran. Waxaan u rajeynayaa dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri.

Dhankiisa, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa isna sheegay in qabshasahad Maxaas ay daba socdotay luminta Moqokori iyo Aadan Yabaal ayna tahay “ceeb qaran” iyo khiyaano lagu sameeyay halgankii shacabka deegaanka.

Kooxdu markay dib u qabsato dhul laga xoreeyay in ka badan sanad ka hor, wax ka badan guuldarro ciidan weeye — waa fashil hoggaamineed,” ayuu yiri. “Dowladda federaalka waxay baabi’isay dadaalkii shacabka ee kacdoonka ahaa, iyagoo bedelay hoggaan wanaagsan oo ay ku beddeleen habacsanaan iyo maamul xumo.”

Wuxuu si toos ah ugu jeediyay fariin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ka leexday himiladii wadajirka ahayd ee la dagaallanka kooxda.

“Madaxweyne, waxaad ka weecatay yoolkii qaranka ee ka dhanka ahaa argagixisada. Waxaad mudnaanta siisay doorashooyin lagu xadgudbay, eex qabiil, iyo siyaasado aargoosi ku dhisan,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ugu baaqay madaxweynaha inuu dib u heshiisiin la sameeyo mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada, isla markaana xoogga saaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Waqtigaaga xafiiska ee haray si xigmad leh u isticmaal. Ummadda midee. Jooji siyaasadda aargoosiga. Hogaami si mas’uuliyad iyo aragti leh,” ayuu ku daray.

Hadalka labada hoggaamiye ee mucaarad ah ayaa imaanaya iyadoo Al-Shabaab ay mar kale gacanta ku dhigeyso deegaanno istaraatiiji ah oo bartamaha dalka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here