Friday, June 13, 2025

Muungaab oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Dharkeenleey iyo Waaberi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa 11-ka Juun 2025 si rasmi ah u magacaabay guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi, isagoo xilka ka qaaday kuwii hore.

Waxaa xilka Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey loo magacaabay  Cumar Meeyre Mocoow, halka laga qaaday Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.

Sidoo kale, xilka Guddoomiyaha Degmada Waaberi waxaa loo magacaabay Xuseen Xasan Maxamuud, isagoo beddelay Maxamed Sayid Cali.

Muungaab ayaa kula dardaarmay guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan horumarinta degmooyinka ay maamulkooda la wareegeen, gaar ahaan dhinacyada bilicda magaalada, adeegyada aas-aasiga ah, iyo la-tashiyada bulshada si loo helo maamul hufan oo shaqeynaya.

Magacaabistan ayaa noqoneysa tii ugu hooeersay ee uu sameeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab tan iyo markii dib loo magcaabay bishii hore dhamaadkeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here