Muungaab oo dugsigii ugu horeeyay ee gabdha u gaar ah maanta mid ka mid ah degmooyinka ugu cusub caasimada ka dhegax dhigay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Cusmaan Xiddig, ee Degmada Gubadleey, oo noqon doona dugsi gaar ah oo loogu talagalay waxbarashada gabdhaha.
Muungaab ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay tayeynta, horumarinta, iyo ballaarinta goobaha waxbarashada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada gabdhaha,
Dugsiga cusub ee Sheekh Cusmaan Xiddig waxa uu noqon doonaa mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata horumarinta waxbarashada gabdhaha ee Gobolka Banaadir. Dugsigan ayaa la filayaa in uu noqdo isha aqoonta ee gabdhaha deegaanka, isagoo si gaar ah u dhiirrigelinaya inay gabdhaha helaan fursado waxbarasho oo wanaagsan.
Dugsigaan cusub ayaa loogu magac daray Sheekh Cusmaan Xidig oo ahaa caalin kaalin wayn ka soo qaatay faafinta diinta islaamka gayiga Soomaalidu degto, sheekh cusmaan Xidig ayaa 20kii Julaay 2024 Muqdisho ku geeriyooday.