Sunday, April 20, 2025

Muxuu xildhibaanka ku weyn karaa xilka xildhibaanimada?

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xilka uga qaaday xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib Warqad ku taariikheysan 15 March 2025, kana soo baxday xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ah mudane laga soo doortay gobolka Awdal uu waayay xubinadiisii Golaha Shacabka, asagoo ku sababeeyay in Abiib uu ku waayay xubinadiisa ka maqnaasho labo kalfadhi oo xiriir ah, sidoo kalena uusan soo gudbin sabab maangal ah.

Dhankiisa, Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa ku doodaya in warqad uu u diray xildhibaanada iyo hay’adaha sare ee dowladda uu ku sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu ku imaan lahaa, kagana soo qeybgeli lahaa kalfadhigii 5aad ee BJFS uu baajiyay, sabab la xariirta in uu qatar ku jiro amnigiisa, loona soo diray hanjabaado uga imaanaya shakhsiyaad dowladda ka tirsan.

Qaar kamid ah xildhibaanada BJFS ayaa is hortaag ku sameeyay furitaanka fadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka, ka dib markii uu Baarlamaanka ka soo laabtay fasax dheer oo uu galay.

Xildhibaannadan oo u badnaa kuwa mucaaradka iyo guddoonka sare ayaa isku khilaafay mooshin ay wadeen, si loo horgeeyo golaha, kaas oo ku aaddanaa xil ka xayuubinta Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, taas oo dhalisay in uu gebi ahaan furmi waayo fadhiga golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mooshinka uu yahay sharci darro, isagoo diiday inuu qabto mooshinka.

Haddaba muxuu xildhibaanka ku weyn karaa xubinimadiisa Golaha Shacanka BJFS?

Xeer-hoosaadka Baarlamaanka 11aad ee JFS qodobkiisa 8aad ayaa qeexaya sababaha uu xildhibaanka ku lumin karo xubinimadiisa Golaha Shacabka

1. Xubinta oo geerita!
Haddii xildhibaanku geeriyoodo, si dabiici ah ayuu u weynayaa xubinimadiisii Golaha Shacanka

2. Xil-gudasho la’aan
Xubinta haddii ay la soo gudboonaato xaalad xil-gudasho la’aaneed oo joogto ah, waxa uu weynayaa xubinimadii Golaha Shacabka BJFS.

3. Is-casilaad
Haddii xildhibaanku si rasmi ah u gudbiyo is-casilaad qoraal ah oo uu u gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka, lagana aqbalo, waxaa loo aqoonsanayaa in uu waayay xubinimadiisii.

4. Maqnaasho labo kalfadhi sabab la’aan
Haddii xildhibaanka uu soo xaadiri waayo labo kalfadhi, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah, waxa uu lumiyay xubinimadiisii.

5. Aqbalaadda xil dowladeed aan Wasiir ahayn
Haddii xubinta ay aqbasho xil dowladeed oo ka baxan wasiir, waxa uu xeer-hoosaadka dhigayaa in uu toos u luminayo xildhibaanimadiisa.

6. Hakin xuquuq muwaadinimo
Haddii xildhibaanka la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, si waafaqsan sharciga, sidoo kale waxa uu luminayaa xubinimadiisa BJFS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here