NAJRAN(Dawan) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa fulisay xukun dil ah oo lagu riday afar muwaadin Soomaali ah oo lagu helay dambi ah tahriibinta daroogada, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay soo saartay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) 2-dii Agoosto.
Ragga la dilay ayaa magacyadoodu kala yihiin:
• Maxamuud Axmed Yuusuf Maxamuud
• Cabdulqaadir Moxamed Xuseen Babrah
• Waliid Cabdi Jadeedah Cabdulsamad
• Cabdi Asad Axmed Solob
Sida ay sheegtay Sacuudiga ragaan ayaa lagu helay in ay si sharci darro ah xashiish ku soo geliyeen dalka Sacuudiga, waxaana laga fuliyay xukunka dilka ah gobolka Najran, kadib markii uu soo baxay xukun kama dambeys ah oo maxkamadeed iyo amar boqor oo oggolaaday fulinta xukunka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in raggaasi ay qabteen ciidamada ammaanka, lagu maxkamadeeyay maxkamad awood u leh, laguna ansixiyay xukunka racfaan iyo maxkamadda sare. Xukunka waxaa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo shareecada Islaamka, gaar ahaan nidaamka ta’ziir, oo oggolaanaya ciqaab discretionary ah marka ay dambiyadu halis tahay.
“Ciqaabta ugu adag ayaa lagu beegsan doonaa kuwa tahriibiya ama faafiya daroogada, sababo la xiriira dhimashada dadka aan waxba galabsan iyo dhaawaca ba’an ee ay u geysanayso dhalinyarada iyo bulshada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Xukunka dilka ah ayaa la fuliyay maalintii Sabtida, 2-da Agoosto (8 Safar 1447 Hijri) gudaha magaalada Najran.
Sacuudi Carabiya ayaa caan ku ah sharciyada adag ee ka dhanka ah daroogada, oo ay ku jiraan xukun dil ah oo lagu rido dambiyada la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha. Inkasta oo dowladda Sacuudiga ay sheegtay in tallaabadu ay u tahay deterreyn, haddana hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku saabsan mugdiga ka jira habraacyada iyo tirada sii kordheysa ee dilalka.
Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Amnesty International bishii Abriil, waxay diiwaangelisay koror weyn oo ku yimid dilalka lagu fuliyo ajaaniibta lagu helo dambiyada daroogada, iyadoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka mid yihiin kooxaha si gaar ah u saameeyay.
Hay’addu waxay sheegtay in ugu yaraan 44 Soomaali ah ay hadda ku xukuman yihiin dil gudaha Sacuudiga, badankoodna lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta daroogada. Amnesty ayaa sidoo kale horey u diiwaangelisay xukun dil ah oo lagu fuliyay Maxamed Nuur Xuseen, muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay 16-kii Febraayo, isla magaalada Najran, isagoo lagu eedeeyay xashiish tahriibintiisa.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah uga digay arrimo la xiriira helitaanka qareenno, hufnaanta maxkamadaha, iyo la socoshada qunsuliyadaha ee muwaadiniinta ajaaniibta ah ee wajaha xukunno dil ah. Xaaladdan dambe, bayaanka dowladda Sacuudiga kuma aysan bixin faahfaahin la xiriirta haddii ragga Soomaalida ah ay haysteen garyaqaanno ama ay la xiriireen safaaradooda ka hor inta aan xukunka la fulin.